Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Salman Khan oo Maxkamad lasoo taagayo

Faarax February 3, 2013 0
Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Salman Khan oo Maxkamad lasoo taagayo



Bishii September 2002,ayaa la sheegay in Salman Khan gaari uu kaxeynayay ku laayay dad shacab ah oo ka agdhawaa goob ruutiga lagu sameynayay kuna taalo magaalada Monbai ee dalka Hindia.

Jilaaga ayaa haatan Maxkamada waxay wadaa qaadista dacwadiisa,isagoona sidoo kale lagu eedeeyay in Qaabka shacabka uu ku laayay ay ahayd si ka baxsan waditaanka sharciga gawaarida,waxaana la sheegay inuu wajahayo 10-sano oo xabsi ah.

Salmaan Qaan ayaa gaashaan u daruuray inuu ka xeynayay gaariga xiligii dadka shacabka la laaynayay.

Salmaan Khaan ayaa waxuu ka mid yahay jilaayasha hindiga kuwooda ugu caansan,waxuuna keenay filimo dhowr ah oo kala duwan.

“Waxaan haynaa cadeemo inugu filan oo sheegaya in qaan uu ku kacayay danbigaan,xukunka wuu dhacayaa”,ayuu yiri Qaadiga Maxkamad danbiga ee dalkaasi Hindiya Vasant Patil.

Salmaan Khaan ayaa la filayaa in Maxkamad uu ka soo muuqdo 11.bishan Fibruary sida uu sheeqay qareenkiisa Dipesh Mehta.

Sanadkii 2006-dii ayaa lagu xukumay Salman Qaan shan sano oo xarig ah,balse damiin ayaa lagu sii daayay.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com