Kumanan Qof ayaa Maanta ka qaybgalay Aas Qaran oo loo Sameeyey Sheikh Cabduqadir Nuur Faarax Kaddib Salaaddi Casar Saacadda Garoowe (Codad iyo Sawiro)

Faarax February 16, 2013 0
Kumanan Qof ayaa Maanta ka qaybgalay Aas Qaran oo loo Sameeyey Sheikh Cabduqadir Nuur Faarax Kaddib Salaaddi Casar Saacadda Garoowe (Codad iyo Sawiro)


 

Aaska Sheikha oo ka dhacay Qabuuraha Dhanka waqooyi ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qayb galay Culimaudiin ka kala Yimid Puntland Somaliland iyo Muqdisho, Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowladda federalka iyo Madaxda ugu Saraysa ee Puntland, Dadweyne aad u Badan oo soo Buux dhaafiyay Qabuuraha ilaa Wadada Magaalada Gasha.

Culimadii goobta ka hadashay ayaa aad ugu dheeraday Taarikhdii sheikha kuwaaso sheegay in ay ku xasuustan Doorkii iyo kaalintii dheerayd ee uu ka soo qaatay Dacwada iyo Fidinta Diinta Islaamka waxaana culimada laga dareemayay Murugo laga dhehanayay wajiyadooda iyagoo Qarkood ay Ilmada ka qubanaysay.

Culimada ayaa Cambaareeyey Dilka shiekha Iyagoo alla uga Baryay Cidii ka Dambaysay in allah ka soo Saaro Calaamado Deg Deg ah.
Sheikh Axmed Cabdisamad oo Kamid ah Culimada Puntland oo sheegay in ay wada Casheeyeen sheikha Habeenki Jimcaha ayaa sheegay in uu Fariimo badan ka reebay kaddib wada sheekaysi Labadooda ah waxaana Sheikha uu ku dhawaaqay Kulan Balaraan oo Aayaha looga Hadlo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha amniga soomaaliya Cabdi xakiin Maxamuud guuleed oo Kamid ahaa Madaxdii dowladda federalka ee ka soo qaybgalay ayaa sheegay in ay aqbaleen shirweynaha lagu baaqay dhankoodana ay Gacan ka Gaysanayan Qabsoomadiisa.

Dhanka isimada ayaa iyagana Cambareeyey Dilka sheikha iyagoo ku baaqay isdifaac Guud sida uu Aaska ka sheegay Suldaan Siciid Maxamed garaase oo ku hadlay Afka Isimada Puntland ku Dhaqan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa dhankiisa soo dhoweyey Kulanka Culimadaay ku dhawaaqeen balana qaaday in ay Puntland Gacan ka Gaysan doonto si lamid ah Kulamadi hore ee Soomaalida.

Allaha u Raxmadee Sheikh Cabduqadir Nuur Faarax ayaa Ifka kaga tagay 7 wiil, labo Gabdhood iyo 1 Xaas, Waxana sidoo kale uu gacanta ku hayay kana qayb qadan jiray Howlaha gargarka iyo Samafalka dadka Jilicsan, ka Shaqaynta Nabadda, Barashada iyo Fidinta Dacwadda Diinta isagoo ka hor Geeridiisa Qorshaynayay in uu Dowladda Puntland kala hadlo sidii loo soo sari laha Sharci lagu Ciqaabayo Dadka Diinta Caaya.

Hoos Ka Dhagayso Codadka Culimadii Meesha Ka hadashay oo Iyagoo aad u caraysan ka hadlayay geerida Sheikha Dhinacyo badana ka Hadlay.

Sidoo Kale Madax ka Socotay Dowladda Federalka oo uu Kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Federalka Cabdixakiin Maxamuud Guuleed iyo Madaxweynaha Puntland ayaa Goobta ka hadlay iyadoo Madaxda dhaqankana ay Dilalka Culimada ku tilmaameen mid lagu babi’nayo Indhaha Dadka.

Hoos ka Dhagayso Codadka Masu’liyiintii Dhanka Siyaasadda ee Meesha Ka Hadashay

SANY1937

SANY1939 SANY1943

SANY1954

SANY1965

SANY1968

SANY1970

SANY1973

 

SANY1977

SANY1979

SANY1986

SANY1988

SANY1998

SANY2010

SANY2012

SANY2025

SANY2037

SANY2062

SANY2048

SANY2073

SANY2076SANY2075

SANY2084

 

 

Xuquuqda Sawirada iyo Codadka Waxay u Dhowarantahay Raad Raac News

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »