Ma Dhici Karta in Sheikh Cabduqadir Gacamey Allaha u Raxmade loo Dilay Run ka Shegga Caqiidada Islaamka iyo Jihaadka (Dhagayso)

Faarax February 15, 2013 Comments Off
Ma Dhici Karta in Sheikh Cabduqadir Gacamey Allaha u Raxmade loo Dilay Run ka Shegga Caqiidada Islaamka iyo Jihaadka (Dhagayso)



Allaha u Naxariste Sheikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo Maanta Nin ku Hubaysan Bastoolad uu ku toogtay isagoo ku guda jira saladdi Casar Masjidka Al-Badar ee Xafadda uu ka degganyahay Garoowe ayaan ilaa Hadda Caddayn cidda sida Rasmiga ah uga Dambaysa Dilkiisa walow Nin dhalinyaro oo la sheegay in uu dilkaasi Gaystay ay Ciidamada Amniga waraysanayaan Taaso dadka Garoowe ku dhaqan ay soo dhoweyeen.

Sheikha ayaa la dilay Maanta isagoo u taagan Saladdi Casar taaso dad badan argagax Gelisay isla Markaana ay dadki ka baxeen Iyagoo saladdi u taagan Markii ay maqleen Dhawaqi rasaasta.

Dadweyne Ceyrsaday ayaa la sheegay inay ku Gulaysteen soo qabashada Ninka Dilka gaystay iyadoo ay ku dhawacmeen Wiil iyo Gabar aan ka Harin oo ceersaday, Gacan ku dhiiglaha oo isku dayay in uu iska difaaco dadweynaha Ceyrsanayay ayaa awoodi wayay Kaddib Markii ay ka dhamatay rasaasti.

Inta la xasuusto wixii Ka dambeeyey Dilkii sheikh Axmed C/raxman 5-tii December 2011 waxaa Sheikh Cabduqadir Gacamey uu Sheegay in Qalad laga Fahmay Jihaadka iyo Waddada Saxda ah waxaana Nadwooyin badan oo uu ka qaybgalay uu ku Cadeeyey in Kulan lagu qabtay Baydhabo lagu Go’amiyay in lagu Laayo Culimada diidan Fikirka al-shabaab.

Haddaba Haddan Dib u jeleecno Khudbadihii sheikha waxaa Kamid ah Mid uu ka sheegay Aaskii Sheikh Dr Axmed cabdiraxman Horantii December 2011 Taaso Sheikha dadkii ka Qaybgalayay Aaska ku Dhiirageliyay inay gacan ka gaystan Raadinta dadki ka Dambeeyey Dilka Sheikh Axmed C/raxman.

Hoos ka Dhagayso Hadalkii Sheikh Cabduqadir Gacamey Aaska ka jeediyay.

Sidoo kale waxaa Jiray Nadwooyin uu Sheikha ka Jeediyay Misjidka Rowda ee Magaalada Bosaso 8 Janaayo 2012 waxaana Nadwadaas ay ku sabnayd Jihaadka iyo Marxaladihiisa Diiniga, waxaana uu Xiligaas Sheikha ku Dheeraday Al-shabaab Mujahidiin.

Hoos Ka Dhagayso Khudbadii Sheikha ee Nadwada Bosaso Qayb Kamid ahayd.

Sheikh Cabduqadir Gacamey oo Kamid ah Culimada sida weyn looga Yaqan Somaliya ayaa horay u sheegay in Al-shabaab ay u sheegeen inay dilayaan Balse usan taas ka Baqeen Xukunkiisana uu ku jiro Gacanta Alle.

“Waxan ahay 70 Jir Maantana kama Baqayo Geeri Maalintan dhimanayana Xagga alle ayay ka Xukumantahay”

Sheekh Mahamed Cabdi Umal oo Ka Mid ah Culumada Soomaaliyeed kuwooda Ugu waa wayn ayaa ka hadlay Dilkii Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo Taariikh Nololeedkiisa.

Shiikh Umul Ayaa Tacsi u Diray Dhamaan Umadda Soomaaliyeed iyo Qooska oo ka Geeriyooday Wuxuuna ka Sheekeeyay Xiligii Ugu Danbeesay oo ay is arkaan Iyo Waxyaabaha ay ka wada Hadlayn iyo shiikha Dadaalkiisa
Daawo Sheikh Umal oo Taarikhdiisa ka hadlaya

 

 

Wararkii Ugu Dambeyey oo uu Kamid yahay aaska Qaran ee loo Sameyey Sheikh Cabduqaadir ee Galabta kala soco Dhanka Midig ee Bag-ka ama Gal Bag-ka Wararki ugu Dambeeyey ee Aaska Sawiro iyo Codad kala soco Hadda.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com