Maamulka Shabeelada Dhexe oo Sheegey in ay u Dulqaadan Doonin Dadka Dhibo Shacabka Gobolkaasi

Faarax February 21, 2013 0
Maamulka Shabeelada Dhexe oo Sheegey in ay u Dulqaadan Doonin Dadka Dhibo Shacabka Gobolkaasi


Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee Gobolka Shabeelada Dhexe aysan marna aqbali Doonin islamarkaana inaysan udulqaadan doonin in shacabka isticmaala wadooyinka Gobolka Shabeelaha dhexe in la dhibaateeyo Hadalkaan ayaa daba Socdo Hadalkii Dhawaan ka Soo Yeeray Wadayasaha Gaadiidka ka dhexe Shaqeeyo Wada u Dhaxeyso Muqdisho iyo Jowhar.

Mid kamid ah saraakiisha Gobolka Shabelada oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Saneey ayaa warbaahinta u Sheegey in ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay Waajib u tahay in ay Raacaan Amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in Qof Walba oo Askari isla markaana dadka Shacabka Dhibaateynaayo shacabka ha La Dilo.

Wuxuu sheegay in marka gacanta lagu soo dhigo burcada kadib loo gudbin doono maxkamada ciidamad qalabka sida ee Soomaaliya si talaabo adag oo sharciga waafaqsan looga qaado.

Hadalka kasoo baxay saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa wuxuu imaanaya iyadoo cabasho ay kasoo yeeraysay gaadiidleeyda ku sugan Gobalka Shabeelaha dhexe kuwaasi oo ka cabanaya isbaarooyin iyo dhac loo geesto.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com