Wakaalada wararka AFP oo Magaalada Washington ku Waraysatay
sii hayaha xog hayaha difaaca Mareykanka Leon Panetta ayuu sheegay in
Mareykanka uu sii wadayo weerarada diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ay
ka geysanayaan dalal Soomaaliya ay kamid tahay.
“Howlgalada diyaaradaheena Dronka ay fuliyeen wadamada Soomaaliya iyo
Yemen ayaa lagu dilay hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-qaacida iyo
Al-Shabaab wexeyna ka hortageen weeraro badan oo kooxahaasi ay
qorsheynayeen inay sameeyaan “ sidaas ayuyu yiri Panetta
Sidookale sii hayaha xog hayaha Pantekonka Mareykanka waxa uu
shaaciyay inuu muhiimad gaarah u leeyahay xarakada Al-Shabaab
islamarkaana ay ka go’an tahay in la sameeyo qaab kasta oo looga
adkaanayo Al-Qaacida
Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka aan duuliyaha leheyn ay ka geystaan
dalal ay Soomaaliya ku jnirto oo ay ku beegsanayaan saraakiisha
Al-Shabaab ayaa inta badan Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ay
sheegeen in waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah iyadoon dhawaan QM ay
sheegtya in dib loo eegayo howlgalada Dronka
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







