Markaynu layno culumada islaamka…..!? (Qoraalka Akhristaha)

Faarax February 18, 2013 0
Markaynu layno culumada islaamka…..!? (Qoraalka Akhristaha)


Bismilaah.

Markaynu layno culumada islaamka waxgartka ummada iyo salaadiinteeda ,waa markay ummada wax u baaqiyi jirin,waa markay ummada iftiinkii u baxaayay damo,waa markay fitnada iyo musiibadu caamyeesho bulshada.

Laynta culumada islaamka,waxay ka midtahay tilmaamaha

quraanka kariimka iyo sunnada rasuulku ku sheegeen yahuuda……waxay ahaayeen qaar laaya rususha loo soo diro iyo dadka kheerka qaba ee wanaaga wada, taaso ay ahayd sababta ugu wayni, kibir santaag xaqa ay diidanyihiin, wuxuu allah ku yidhi suurtu aala cimran 21aayah( kuwa aayadka alle ka gaaloobay xaqdarana ku dilaaya nibiyada, sidoo kale dilaaya ducaada cadaalada,waxaad ugu bushaaraysa cadaab kulul)

Sidaas si la mida ayuu ku fasiray rasuulkeena suubani,siduu kasoo warinaayo abu cubayda rasuulka ,wuxu yidhi waxaan idhi rasuul allaw yaa dadka ugu cadaab kulul,wuxuu yidhi rasuulku qof dilay nabi ilaahay ama qof daaciya oo dadka wanaaga faraaya xumaantan ka reebaya…..ka dib wuxu akhriyay aayada21 surat aala cimran.

Hadaba sida inoo cadaatay , dilka culumada islaamku maaha dhaqan muslim, maaha dhaqan somaliyeed, waaa dhaqan lagu yaqaan yahuuda iyo gaalada iyo ciday soo diraan sidii , ku dhacday kulafadi rashidinta oo ay dilayn yahuudu iyo khawarij,  somliduna waxay caan ku ahayeen inay ixtiramaan culumada, dagaalada iyo aanaha u dhexeeyana gaar uga saaraan culumada.

In hadaba si badheedha loo laa,ayo culumada iyado loo dilaayo nacayb loo qabo, hore ugama dhicin somaliya, way dhacday in la dilay ama la wax yeeleeyay culumo somliyeed sidii ku dhacday sheikh boqolson iyo sheikh mumin afrax, oo lagu dilay labadaba konfur somliya, sidoo kale waxaa la wax yeeleeyay culumo kale oo ka badbaaday dilka sida shekh maxamad cumar dirir oo hargeisa lagu wax yeeleyay, sheikh umal oo xabado lagu furay keentay inuu lug kajabay, se dhamaan culumadaas wax la,yeeleeyay may ahayn sababtu nacayb loo qabo xaqay cadaynayaan.balse maanta sidii shalay ka dhacday in la dilay sheikh c.qadir gacmeey iyo culumadi ka horaysay sida draxmad,waxay raad ku laydahay fikir diimayd, taaso inagu cusub.

Waa maxay hadafka laynta culumada islamka? waxay tahay yoolka ka layyihin cida laynaysa culumada islaamka, siday uumadu ugu qasbanaan lahayd uguna hogaasami lahayd afkartooda islamka khilaafsan,waayo marka la,laayo culumada waxa imanaysa, in la,waayo cid cadaysa baadilka koxaha aminsan afkarta khilafsan islamka, sidaas darteed waxa dhacday in culuma  badani awoodi kari,layihiin cabsi awgeed inay sheegaan baadilka xarakadka khilaafsan islaamka .. si hadaba culumadu uga badbaado musiibadaas una helaan awood ay xaqa ku sheegi karan , waa inay ka helaan taageero iyo  ilaalo bulshadooda,gaar ahaan xukuumada jirta iyo maamulka ay ku hoos noolyihin waa inay ilaalisa culumada oo ah iftiinka bulshada.

Guntii iyo gabagabadii maxaa innagala gudboon fitnada dilka culumada islaamka?,mawqifkay qaateen saxaabadu markii la dilay khulafu rashidiin wuxu ahaa in ay diintoodi ku sii baaqi noqdaan maamulkii jirayna babaadiyaan,sidaaso kale ayaa inagana inala gudboon inaan ilaashano diinteena baaqina ku ahaano , cida laynaysa culumadana la,dagaalano af iyo qacanba…..ilaahay waxaan ka baryaynaa in culumada islaamka dhamaantood ilaaliyo,mujrimiintana jabiyo…. Wa bilaahi tawfiiq…..

 

Qore:c\qadir elmi ( jaylaani)

South Africa email : qurantoos@hotmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com