Maxaa ka jira in in David Beckham ay tahay Sababaha uu Arsenal ugu biiri waayey arrin la xiriirta Manchester United

Faarax February 1, 2013 0
Maxaa ka jira in in David Beckham ay tahay Sababaha uu Arsenal ugu biiri waayey arrin la xiriirta Manchester United



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

 

David Beckham ayaa doortay inuu ku biiro kooxda reer France ee PSG – Sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu ka hor tago kooxdiisa hore ee Manchester United.

Beckham ayaa shalay subax heshiis 5 bilood ah la gaaray Paris St Germain, kadib wada hadallo qarsoodi ah oo socday muddo.

Waxa uu shaaca ka qaaday inuu diiday yaboohyo kaga yimid kooxaha Premier League sida QPR iyo West Ham, sababtoo ah daacadnimadiisa ku aadan Man United.

“Waaqtiyo cajiib ah oo guul leh ayaan ku qaatay Man United, horeyna waan u sheegay inaan marnaba u cayaareyn koox kale oo ka dhisan Premier League” ayuu yiri Beckham oo 37 jir ah.

“Taariikh dheer ayaan ku lee yahay Manchester United, waxa ay ahayd kooxdii aan taageeray, ku riyooday una cayaaray, mana doonayo inaa ka hor tago” ayuu yiri Beckham.Number Of Viewers (25)

 

Waxaa Qoray : Abdi Manaan Abdi ( Neymar Yare ) oo ka Tirsan Ciyaro.net

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »