Werner Freund oo lagu naanayso (Wolf Man) ama ninka yaydaa ayaa ah nin u dhashay dalka Jarmalka isagoo mudo kor u dhaafty 40 sanadood kula noo l hoygiisa 70 ka mid ah xayawaanka loo yaqaano (Wolf) ama yayda.
Ninkan oo 79 jir ah ayaa waxaa la tilmaamay inuu ku noolyahay gobolka Saarland ee dalkaasi Jarmalka , waxaana la sheegay in uu xayawaankan tirade badan ka soo iibsaday goobaha lagu xanaaneeyo dalal kala duwan oo ku yaala Europe , Siberia , Canada , iyo Mongolian dhulka loo yaqaan.
Waxaa mudan in la xuso in Werner Freund oo maalintiisa ku qaato dharginta yayda uu xanaaneeyo isaga oo kal qayb qaata ugaadhsiga ay u baxaan iyo cunida hilibka qaydhiin.
Seynnab C Warsame
xidigta6@hotmail.com
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —









