Midnimo oo Xulanayasa Aqoonyahanka iyo Dadka Magaca ku Leh Puntland ” Talada Dadka u Rahmanan Mayso Cid Gaar ah laguna Raxaysanmaayo” Dr Saadaq Eenow (Codad iyo Sawiro))

Faarax February 2, 2013 1
Midnimo oo Xulanayasa Aqoonyahanka iyo Dadka Magaca ku Leh Puntland ” Talada Dadka u Rahmanan Mayso Cid Gaar ah laguna Raxaysanmaayo” Dr Saadaq Eenow (Codad iyo Sawiro))


Waxaa maanta Jaamacadda PSU ka furmay shirweynaha Urur siyaasadeedka Midnimo,waxaana ka qayb-galay ergooyin gaaraya 300 oo isaga kala yimid dhamaan gobollada Puntland,waxaana ka qayb-galay asaasayaashii ururkan,gudoon KMG ah,xildhibaano ka tirsan Midnimo,Cuqaal,abawaano,dhalinyaro,ganacsato & qaybaha kala duwan ee umadda oo ay ka dhex muuqdaan taageerayaashooda oo isga yimid gobollada dalka & dibadaba.

Waxaana madasha ka muuqday astaanta urukan oo iskugu jirta midabada Cadaanka & Buluuga,waxaana ku soo labistay inta badan tageerayaasha ururka Midnimo,waxaa kele ergooyinka & dhamaan ka qaybgalyaasha loo qaybiyey nuqulo ay ku qoran yihiin Barnaamijka & ujeedooyinka ururkan.

Ugu horayna waxaa shirkan furay kana hadlay himilooyinka Ururkan Gen,Cali Ismaaciil oo ka mid ah asaasayaashii Midnimo,wuxuuna ku dheeraaday kaalinta ay doonayaan inay ka qataan horumarka dalka & khayraadka dabiicga ah ilaahay dalka ku manaytay iyo sidii looga faa’idaysan lahaa,wuxuuna rajo ka muujiyey hadday tageerada bulshada helaan in la gaarayo yoolka ay leeyihiin.

Codka Gen Cali Ismaciil

Gen cali ismaaciil

Dhinaca kele madasha waxaa ka hadlay xubno u hadlay sideeda gobol ee Puntland,iyo xubno matalyey qurbo joogta & aradyada wax ka barata dalalka China,Malaysia,Hindiya & kuwo kele dhamaan xubnahaas hadlay ayaa dhalin yaro wiilal & gabdho isku jira waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan Midnimo,iyagoo sheegay inay yihiin tamarta uu urkani ku shaqaynayo,madaama uu yahay uru gacmo furan ku soo dhaweey diyaarna u ah inuu mustaqabal & barnaamijyo u sameeyo dhalinyarada dalka.

Xildhibaanada Cabulaahi Quraan jecel & Xildhibaan Axmed Barre ayaa iyana taageeray ururka Midnimo,iyagoo sheegay in Puntland u baahantahay isbede,taasna ay samayn karaan aqoonyahanada & dhalinyarada ku midoobay Midnimo.

“Anigu waxaan ka tirsanahay xildhibaanada xilligan waxaana doonayaa isbedel inuu yimaado,dadweynaha Puntland isma diidana,lakiin quluubtooda ayaa u baahan in la mideeyo,waana soo dhawaynayaa cid kasta oo isbedel wax ku oola la timaada”ayuu yiri Xildhibaan Quraan jecel.

Codka Xildhibaan Quraan Jecel oo Sheegay in Isbedel loo Baahanyahay

Quranjecel

Gudoomiyaha KMG ah ee urur siyaasadeedka Midnimo Dr,Saadiq Eenow oo shirka soo xiray ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay ujeedooyinka & himolooyinka ururkan,wuxuu ku dheraaday sida isbedel loogu baahan yahay.

“walalayaal Midnimo waxay u taagan tahay bulshada oo dhan & dadka oo dhan ay talo wadaag noqdaan,Midnimo waxaa ku midoobay aqoonyahanadii dalka,kuwaasoo iyagoon talo hayan dalka ka dhisay Cusbitaalo,Uskoolo,Jaamacado,ka qaybqaatay maslaxadda dalaka,marka hadaan talada haynana ka warama”ayuu yiri Dr,Saadiq oo ka hadlayey xubnaha asaasayn & dawrka u ku leeyihiin horumarka Puntland.

Waxa uu si qoto dheer uga hadlay Midnimo waxay u taagan,jidkay u marayso himilada ay leedahay,caqabadaha ka hor imaan kara & dareenka dadweynuhu ay ka qabaan.

“Puntland gobolo ku midoobay meelay ku kala tegeen ma ogin midnimadoodna waan raadinaynaa,waxaan jeclahay inaan la fariisano dadka wada dhalashadu naga dhaxayso inaa wada hadalno waan isku dayaynaa inaan la kulano Isimadooda & waxgaradkoda guulna waa gaari karnaa hadaan is horfariisano tabshadoodana waan ka salgaari karnaa”ayuu yiri Dr Saadiq Eenow.

“anagu waxaan u taaganahay badbaadinta Dal udug,midaynta bulshad kuwada nool,hawshaas sida loo gaarayo maaha wax sahlan,shaqo ayaa loo baahan yahay & da’daal dheer insha alaah waana gaari doona guul degdega”ayuu yiri Eenow.

Codka Saadaq Eenow oo Arrima Badan uu Qarxiyay

Dr sadiq Eenow

Dhinac kele waxa uu ka hadlay deegaanada ka maqan gacanta Puntland oo uu sheegay inay muqdastahay xuduudaha Puntland,baaq ayuu u jeediyey Isimada & waxgaradka ku nool deegaanada maqan isagoo sheegay inay la hadlayaan,madaama ay Puntland wax ka dhisteen,dhalasho-na ay wadagaan.

Sawirada Furitankii Shirweynihii MIDNIMO

SANY1699

SANY1681

SANY1684

SANY1688

SANY1689

SANY1802

SANY1697

SANY1700

SANY1705

SANY1711

SANY1715

SANY1723

SANY1727

SANY1734

SANY1791

 

 Raad Raac News Desk Garowe

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com