Muqdisho Shalay iyo Maantay ? Lasoco Maalin Kasta Muqdisho iyo Xaalkeeda

Faarax February 20, 2013 0
Muqdisho Shalay iyo Maantay ?  Lasoco Maalin Kasta Muqdisho iyo Xaalkeeda


Waa barnaamij Maalinkasta Tixane Noo ahaan Doono Insha Allah .

 

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya ayaa Waqtiyadii iyo Wayihii ugu Dambeeyey waxay ku Tilaabsaneysay Hormar Dhankasto leh.

 

Ayadoo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena ay ka socdaan Dhismaayin Bilicda Magaalada Muqdisho Dib loogu Soo celinaayo kadib markii si Buuxdo dowlada Federalka Soomaaliya ay Amaanka si rasmi ah ula Wareegtay Dhamaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho ay Gacanta ku Heyso Dowlada Soomaaliy.

 

Marka aad Mareyso Wadooyinka Waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxay indhahaaga Qabanayaan sida Hormarka leh ee Dib loogu soo Celinaayo quruxda magaalada muqdisho ay horey u laheyd dhamaana Degmooyinka Gobolka Waxaa ka Socdo Dhismooyin.

 

Dhamaan Suuqyada ugu Waa weyn Magaalada Muqdisho ayaa waxay u shaqeynaayaan sidii hore ay u shaqeyn jirtay iyo si ka wanaagsan dhamaan ganacsatadana waa kuwa ku Ganacsan sida wanaagsan ee Amaanka Suuqyada loo Sugay iyo Bilicda nadaafadeed ee ka socoto.

 

Sidoo kale Waxaad arkeysaa Arday si aad ah u Qurux badan oo u Wada Boqoolaayo Iskuulada iyo jaamacadaha kala Duwan ee magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud Cumar Abiikar waa Mid kamid ah Abaayaasha ku Nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Waxaana kula Kulmay Isgoyska Zoobe ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Waxaana weydiiyey Su’aal aheyd

Sidee kula tahay Hormarka ay Muqdisho Maantay Joogto ?

 

Maxamuud Cumar Abiikar : Run ahaantii Sidii Shalay iyo Sida Maantay ay Tahay Waa kaaf iyo Kala Dheeri waayo magaalada Waxay dib ugu Soo noqotay Magaalada la Yaqiinay ee Muqdisho Dhankasta Ganacsiga, Amniga, Waxbarashada, iyo Wixii kale oo lamid ah.

 

W/Q: Axmed Cabdi Macow Basbaas

 

Axmedbasbaas@gmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »