Muqdisho Shalay iyo Maantay? Qeybta 2 Lasoco Maalin Kasta Muqdisho iyo Xaalkeeda

Faarax February 21, 2013 0
Muqdisho Shalay iyo Maantay? Qeybta 2    Lasoco Maalin Kasta Muqdisho iyo Xaalkeeda



Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya ayaa Waqtiyadii iyo Wayihii ugu Dambeeyey waxay ku Tilaabsaneysay Hormar Dhankasto leh.

Magaalada Muqdisho oo Soo Martay Xaalado iyo Marxalado kala Duwan Sanadihii ugu Dambeeyey balse Maantay wixii u Muuqadaa mid ka soo kabsaneyso Wixii Hore ee Dhaawaca gaarsiiyey waayo markaad Fiiriso Bilicda magaalada iyo Dhismaha Quruxda Badan ee ka Soconaayo Magaalada ayaa iska Qanceysaa.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya ayaa Iminka ku Noqoneyso Mid la Darda Meyso Caasimada Dariska ah mar hadii ay heshay nabad Galyo Buuxdo isla Markaana ay dhamaan Caasimada oo dhana ay ka Socdaan Dhismooyin aad u Qurxan oo soo Jiidan karo Idhaha iyo Qalbiga Muwaadinka Soomaaliyeed iyo Dadyowga Caalamka.

Hooyo Xaawo  Bare Guutaale Waxay ka Mid tahay Hooyooyinka Muqdisho aan dhana ugu Bixin intii ay Dagaalada Sokeeye ka socdeen Madafiicdana ay ka Holceysay waxana kula kulmay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir waxayna ka Warbixineysaa Xaalka Barigaa iyo Maantay Sida uu yahay waxay Tiraday:

Hooyada: Markeygii Hore Waxaan ku Sugnaa Degmada Howlwadaag ee Gobolka banaadir halkaasi ay Mashaqada ugu Xooganeyd ka Dhacday Magaalada Muqdisho dagaaladii Muqdisho iyo Burburkii Dalka Waxaan ahaay Hooyo Soo Joogtay.

Hooyadaan ayaan Markii aan la Hadlaayey Indhaheeda waxaa soo Dhaafaayey oohin ayadoo ka sheegeyneyso Barisamaadkii Muqdisho Halka Maantay Ceynka Loogu Furay.

Waxaan Ku Noolaa Magaalada Muqdisho tan iyo Qabsashadii Siyaad Dalka Soomaaliya Muqdisho Nolol ayaa xiligaa ka jirtay oo waxay Aheyd Caasimad loo Soo Dalxiisto dhamaan adduunka Ayaa laga Imaan Jiray, aniga waxan ka mid ahaa Shalahii Dowlada xiligaasi Muqdisho Habeen iyo Maalin Lama kala Garan Jirin.

Balse Muqdisho oo faraha la Gashay Dagaalo Sukooye yaa waxay Dhamaan Shicibka ky Kaliftay in ay dalkooda Hooyo iskaga Cararaan aniga meelna uguma Bixin Muqdisho waana ku dhex Sugnaa Madafiicda ka Holceyso Muqdisho waxaana u soo Qaxay Degmada Wadajir oo ilaa Hada Ku suganahay.

Waxayna Maantay Sheegtay in ay Muqdisho u Muuqato mid sidii shalay ka wanaagsan oo Ka Hormarsan waana Caasimad Maantay Marki Shalay Loo Fiiriyo Dhamaan ganacsigana waa Mid Dib u Soo Laabtay.

Muqdisho waxaan maantay ugu Jeedaa Ifafaalo ku Raali Galiya oo ku Soo xasuusiyo barisamaadkii Muqdisho balse waxaan Amminsanahay bay Tiray Hooyo Xaawo in Muqdisho ay ka Qurux badnaaneyso Barisamaadkii Hadii sidaan lagu Wado waayo dadkii shalay ee barisamaadkii ma Heysan il Baxnimada maantay iyo Aqoonta intaan la eg ay maantay Muqdisho Joogta.

W/Q: Axmed Cabdi Macow Wakiilcaashaq

Email: Axmedbasbaas@gmail.com

Mogadisho-Somalia

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com