Qabqaabada Shir Maamul Loogu Sameynaayo Gobolada Jubooyinka oo Kismaayo ka Soconaayo

Faarax February 21, 2013 0
Qabqaabada Shir Maamul Loogu Sameynaayo Gobolada Jubooyinka oo Kismaayo ka Soconaayo


Waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ka Soconaayo Qabanqaabada Shir Loogu dhisaayo Maamul Goboleed Gobolada Jubooyinka iyo Gobolka Gedo.

Shirkaan ayaa la filayaa in uu Bilowdo 23 Bishaan aan ku Guda Jirno waxaana Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose loogu Dhawaaqay Gudiyo fara badan oo ku Howlan Qabqaabada shirkaan lagu Qaban doono Magaalada Kismaayo 23 Bishaan.

General Cabdi Mahad C.salaan ayaa sheegey in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose ayaa sheegey in ay Magaalada inta Badan ay ku Sugan yihiin Wafoodii Lagu Marti Qaaday oo kaliya ay ka dhiman Yihiin wax Yar oo kaliya asigoo sheegey in ay Filayaan in ay inta Dhimana ay Soo gaaro Doonaan inta waqtiga la Gaarin.

General cabdi ayaa sheegey in shirkaan uu si Habsami leh ugu Socdo shirka isla markaana dhamaan Amaanka Magaalada Kismaayana la adkeeyey Gen. Cabdi mahad ayaa sidoo Kale wuxuu sheegey in ay shirkaan Lagu wado 23 bishaan in uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose ay ka Qeyb Galayaa Wafoodyo ka Socdo Dowlada Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD, Saraakiil ka Socoto Dowlada Kenya iyo Haydo kale oo fara badan.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »