Safiirka Japan u Fadiyo Soomaaliya oo Maantay Laga Gudoomay Warqadii Aqoonsiga

Faarax February 21, 2013 0
Safiirka Japan u Fadiyo Soomaaliya oo Maantay Laga Gudoomay Warqadii Aqoonsiga


Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka gudoomay warqadihiisa Aqoonsiga safiirka Japan ay u soo Magacaawday dalka Soomaaliya.

Xilli maanta uu soo gaaray Magaalada Muqdisho Atoshisa Takata oo ah safiirka cusub ee dowladda Japan ay u soo Magacaawday dalka Soomaaliya ayaa waxaa warqadihiisa Aqoonsiga ka gudoomay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Atoshisa Takata oo saxaafadda la hadlay kaddib marki warqadaha Aqoonsiga safiirnimo laga gudoomay ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqodo 21-sano kaddib safiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Tokyo ay u soo Magacaawday Soomaaliya.

Safiirka Japan ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu soo gaarsiiyay Fariin uu kaga sido shacabka Japan iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Shinzo Abe oo ugu hanbalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya xilka uu ku guuleystay ee ah hogaaminta dalka Soomaaliya.

Dalka Japan ayaa kamid ah dalalka taageera dowlada Soomaaliya waxaana soo magacaabista safiirkan cusub ee Xukuumadda Tokiya u qaabilsanaan doona Soomaaliya ay ka dhigantahay in uu sii adkaado wadashaqeynta iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com