Sigaar Cabista iyo Soomaalida Maantay Maxaa ka Heysto ?

Faarax February 17, 2013 0
Sigaar Cabista iyo Soomaalida Maantay Maxaa ka Heysto ?



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Sigaarka waa balwad ka mid ah balwadaha sida ba’an loogu isticmaalo wadankeena Somaliya  waana cudur ay dadka raadsadaan

Hadaad si dhab ah u fiiriso bulshadeena waxaynu ogaaneynaa in sigaar cabistu tahay mushkilad ummadda ka dhex jirta ta ugu baahsan. Bulshadu xag dhaqaale, xag da’ iyo xag aqooneedba heer kasta ood ka eegto waxa kuu muuqanaya dad fara badan oo sigaar cabaya.

Haddii aad booqoto miiyi iyo magaalo waxaad arkeysaa dadyow aad u farabadan oo cabaayo sigaarka ayidoona loo kala harin cabistiisa xitaa dadka qaar sigaarka waxay ka dhigtaan libis oo nin uu san gacantiisa ka muuqan maba lebisna hadaba markaad eegto magaalada muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaayo dadka isticmaalo balwadaha kala duwan haba ugu badnaato jaadka iyo sigaarka .

Sigaarka oo ay waayahaan dambe ku soo badanayeen caruurta sidaa ba’an u cabto sigaarka ayaa arkaysaa mar hadii aad socdaal ku marto goobaha layskugu yimaado sida suuqyadda dadka sigaarka cabo oo caado ka dhigtay in ay ku cabaan goobaha bulshadda ay ku kulmaan haba ugu badnaadeen kuwa ka shaqeeyo BL-da isaga kala gowso muqdisho iyo guud ahaan dalka Soamliya.

xilligii hore waxaa ceyb aheyd ama laga duceysan jiray in uu reerka ka Soo baxo nin sigaar cabo iskadaa ninkee waxaa xilligaan soo ifbxay haween ka cabis badan sigaarka ragga oo mooday sharaf oo qaarba ku faano oo magalaada ku dhex cabo qaarna waa kuwa kala soo bixin guryaha oo la dhuunto.

Dadka int badan kama badbaadaan aafadaas dad yar oo naftooda xakameeyey illaahna u gargaaray marka laga reebo. Arrinta sigaar cabista bulshada waxaan u kala qaadaynaa ilaa dhowr  waji oo kala ah Dhibaatooyinka ka dhasha,

Sigaarka waxa uu leeyahay cuduro fara badan haba ugu weynaadee cuduradda sanbabada sida kansarka allaha naga wada nageeyee, wuxuu leeyahay dhibaatooyin fara badan caafimaad iyo dhaqaale inta waayo cudur soo iibso waa cudur, Waxaa kale oo uu keenaa xusuusta qofka oo yaraata, rabitaankiisa raashin oo yaraada, jirka iyo ilkaha oo wasakhooba, neefsashada oo uu ciriiri geliyo, dareenka oo uu wax u dhimo, jirka oo uu tabar darri guud ku rido, dabeecadda iyo doonista qofka oo uu xumeeyo iyo wahsida, qofka oo ka dhamaato xushmadda iyo sharafta qofka kale.

Diin ahaan ma banaano in loo dhawaado wax nafta dhib u keenaayo ama nafta qadar galin karo waayo sigaarka wuxuu kala dirayaa qoysaas fara badan oo wanaag iyo sharaf ku dhisnaa dhan dhaqaale iyo caafimaadba waayo qofka sigaarka cabo waxaa macquul ah in uu waayo wax uu ku soo iibsado danta waxay ku kalifeysaa in uu wax xado oo uu si qaldan ku raadiyo sidii uu ku heli lahaa sigaarkaas wuxuuna fiirsanayaa dantiisa oo kaliya.

Magaaladda waxaad ku arkeysaa dad fara badan oo xillig subaxdiiah ku bilaabo sigaarka ayadoon wax cuno ah ka hor marin cabistiisa xitaa dad waa weyn ilaah ayaa weyne oo waxaad arkeysaa kudhex cabaayo suuqyada waa weyn ee magaalada.

Sigaarka waa Cudur Caafimaad ku badalo

W/Q: Axmed Cabdi Macow Basbaas

axmedbasbaas@gmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »