Tarsan “Dowladda isbadalka sarifka waa inay si deg deg ah wax uga qabataa”

Faarax February 2, 2013 0
Tarsan “Dowladda isbadalka sarifka waa inay si deg deg ah wax uga qabataa”



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxuu ka hadlay hoos u dhaca Sarifka oo mudooyinkii ugu dambeeyay suuqayada Muqdisho si aad ah looga dareemayay.

Maxamuud Axmed Nuur Gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu arintan ku aadan hoos u dhaca dhanka Sarifka ee suuqyada Muqdisho iyo guuda ahaan gobolada dalka inay tahay lacagihii shilin Soomaaliga oo yaraaday iyo doolarkii oo batay.

Wuxuu sheegay in markii hore shgaqsiyaad kala duwan ay soo daabici jireen lacaga shiln Soomaaliga ah balse ininka wuxuu sheegay in mudooyinkan aan las oo daabicin ,sidaasina ay ku yaraadeen .

Tarsan ayaa arinta si wax looga qabto wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay arinta soo fara galiso gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha, wuxuuna sheegay in hadii arinta si dag dag ah wax looga qaban waayo dad badan ay dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay lasoo gudboonaan doonaan..

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayuu xusay inayw ayi doonaan lacago ay Dhalaankooda dhar ugu soo iibiyaan ama Iskuulka ay kaga bixiyaan , isagoo xusay in xitaa cunada aanay soo iibsan kareen hadii sarifka heerka uu maanta joogo aan wax laga qaban ama maciishadda aanay wax iska badalin .

Hadalka wuxuu yimid xilli maalmihi ugu dambeeyay uu marba marka ka dambeysa uu hoos u sii dhacayay sarifka lacaga doolarka ah iyadoo halka doolar lagu sarifayo 16- kun n shiln ka Soomaaliga ah iyadoo kolkii hore uu ahaa 22 kun

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »