Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa muddo bil ah garoomada ka maqnaan doono xaalad caafimaad awgeed isagoo hada ku sugan dalka mareykanka gaar ahaan magaalada New York
Tababaraha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay la il darnaa xanuunka qatarta ah ee cancer-ka loo yaqaano isagoo macalinka ku adkeysanayaa in kooxda uu ka maamul meel ka baxsan magaalada Catalonia
Kooxda Barca ayaa hada waxaa qaabeynaya ku simaha ama tababare ku xigeenka kooxdaasi Jordi Roura,waxana wararka qaar ay sheegayaan in macalinka uu garoomada ka maqnaanayo ilaa dhamaadka xili ciyaareedka.
Waxaa Qoray : Ayaanle Xasan Kaafi Ciyaaro.net
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







