Xasan Sheikh oo Jaaliyadda Somalida UK ku Booriyay in ay ka qayb Qaatan Dib u Dhiska Dalka

Faarax February 2, 2013 0
Xasan Sheikh oo Jaaliyadda Somalida UK ku Booriyay in ay ka qayb Qaatan Dib u Dhiska Dalka


 

Madaxweynaha Jamhuriyada Somalia Mudane Xasan sheikh Maxamud ayaa ugu
baaqay Jaaliyada somalida ee ku nool wadanka biriten in ay dib ugu soo
laabtaan guryahooda kana qeyb qaatan dhismaha wadanka somalia.

Qudbad uu u jeediyay Somali farabadan oo ku nool biriten ayuu sidasi u
sheegay madaxaweyne xasan sheikh isagoo galinki danbe maalinti
jimcaha ay booqasho uga bilaabatay wadankasi.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeyay ahmiyadda Maalgshiyaal Muwadininta
somaliyeed oo xiligaan ka qeyb qata dib u dhiska somalia,waxa uu  shaaca
ka qaaday in dalka xiligaan uu ka baxayo dhibaato farabadan oo soo
ragaadiyay.

Madaxweynaha somalia ayaa sheegay in somalia xiligaan ay sameyneyso
isku dayo ay kula tacaamulayso caalamka.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »