Yaxaaskii Ugu Weyna Yaxasyada Dunida ee la Xanaaneyo oo ku Dhintay Philippine (Daawo Sawirada)

Faarax February 11, 2013 0
Yaxaaskii Ugu Weyna Yaxasyada Dunida ee la Xanaaneyo oo ku Dhintay Philippine (Daawo Sawirada)


 

Lolong oo ah Yaxaaska ugu weyn yaxaasyada lagu xanaaneyo dunida ayaa waxa uu ku dhintay dalka Philippines.

Saraakiil ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Lolong oo dhirirkisu ahaa lix mitir culeyskiisana lagu sheegay kun kg uu geeiyooday.

Yaxaaska dhintay oo la soo qabtay sanadii 2011-kii markisii ugu horeysay ayaa waxa uu noqday mid soo jiita indhaha dalxiisayaasha tga dalkaasi kadib markii uu noqday yaxaaska ugu weyn dunida qiimayn la sameyey.

Lolong waxaa laga soo qabtay markiisii ugu horeysay magaalada Bunawan kadib baacsi ay ku hayeen seddax isbuuc dad aad ubadan

Yaxaaskaan sanadka uu ku dhintay lama sheegin hasa yeeshee waxaa la sheegaa in ay yaxaasyadu noolaan karaan ilaa 100 sano.

Waxa Qoray: Gacal Xuseen Gacal Ayman

Daawo Sawirada

 

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »