Bayaan ka soo baxay af-hayenka Wakilladda Sare ee Midowga Yurub kuna saabsan xukunka Maxkamada Racfaanka ee Muqdisho ee la xiriira arrinta Kufsiga Soomaaliya

Faarax March 6, 2013 0
Bayaan ka soo baxay af-hayenka Wakilladda Sare ee Midowga Yurub kuna saabsan xukunka Maxkamada Racfaanka ee Muqdisho ee la xiriira arrinta Kufsiga Soomaaliya

 

Af-hayenka Katherin Ashton, Wakiiladda Sare ee Midowga Yuruba ee Arrimaha Dibada ahna Ku-xigeenka Madaxweynaha Guddiga Reer Yurub, wuxuu soo saaray Bayaanka soo socda:


“Wakiiladda sare waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Maxkamada Racfaanka Muqdisho ay ku sii deysay haweenidda lagu xukumay bishi Feberaayo u gefid dowladda ayadoo sal looga dhigayo ku andacoosho ah in ciidamada amiga dowladda ay furfsadeen. Tani waxay muujinaeysaa tallaabo horey loo qaaday oo lagu xaqiijinaayo hanaan sharci oo sax ah. Dhibbanayaasha galmada xooga ah waa in loo xaqiijiyaa badbaadinta dowlada, la macaamil sharaf leh iyo in ay galaangal u helaan cadaaladda.

Ha yeeshee, Wakiiladda Sare waxay ka xun tahay xukunka wariye Abdiaziz Abdinur oo weli lagu sii haayo waxayna ka walwel qabtaa cadayn la’aanta saldhiga sharciyeed ee xukunka. Weriyayaashu waa in ay awoodi karaan in ka keenaan Soomaaliya warar madax banaan, ayagoo aan qabin cabsi xarig, awood sheegasho iyo cabsi gelin. Midowga Yurub wuxuu taagyeerayaa baaqi Raisul-Wasaare Shirdoon ee ahaa in la damaanad qaado Soomaaaliya xurriyadda wax cabiridda (wax-sheegid) oo ah xaq bani’aadam oo assasi ah una ah gun-dhig mujtamac xur ah oo dimuquraadi ah.

Wakiiladda sare waxay si dhow ula socon doontaa arrinkaan wayna sii wadaysaa in ay la soo qaado maamulayaasha Soomaaliyeed. 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »