Chelsea Oo Beenisay In Ay Wadahadalo Heshiiska Loogu Kordhinayo Frank Lampard La Furatay Ciyaaryahanka.

Faarax March 5, 2013 0
Chelsea Oo Beenisay In Ay Wadahadalo Heshiiska Loogu Kordhinayo Frank Lampard La Furatay Ciyaaryahanka.


 

Chelsea ayaa beenisay warar sheegaya inay wadahadalo la furteen ciyaaryahanka khadka dhexe Frank Lampard oo la xiriira qandaraas kordhin.

34 jirkaan ayaa qandaraaskiisa waxa uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo waqtigiisa Stamford Bridge uu u muuqdo mid soo dhamaanaya.

Qaab ciyaareed wanaagsan ayuuna dhawaan ku riyaaqayay Lampard, iyadoo la fahamsanaa in madaxda kooxda ay ka fiirsanayaan inay wadahadalo heshiiska loogu cusbooneysiinayo la furtaaan.

Laakiin Chelsea ayaa sheegtay in maamulaha kooxda Ron Gourlay hadalkiisa si qaldan loo qaatay shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada Thailand ee Bangkok oo wax looga weydiiyay mustaqbalka ciyaaryahan Lampard.

 

Laacib.net






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »