Dowlada Sierra Leone oo Tababar u Fureyso Ciidamada Booliska Soomaaliya

Faarax March 6, 2013 0
Dowlada Sierra Leone oo Tababar u Fureyso Ciidamada Booliska Soomaaliya



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Dowlada Sierra Leone  ayaa Shaaca ka Qaaday in ay diyaar u tahay in ay Tababar u Furdo Ciidamada Boolis Dalka Soomaaliya ayadoo Balan qaaday in ay Ciidamadaasi ay Siin Doonto Agabkooda iyo Saalad Ciidan ay ku Howlgalayaan.

Wargeys ka soo baxa wadanka Sierra Leone oo la yiraahdo Awareness oo  ayaa lagu qoray in Madaxweyne ku xigeenka Sierra Leone Alhaji Samuel Sam uu balanqaaday inay dowladiisa tababaro siineyso ciidamada Boliska Soomaaliya si kor loogu qaado tayada Askarta Amaanka Soomaaliya .

Madaxweyne ku xigeenka Sierra Leone waxa uu tilmaamay in arinkan ay isla garteen kadib markii ay dalakaas ay socdaal ku tageen mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha howlgalka AMISOM uuna horkacayay taliyaha Boliska Soomaaliya Shariif Shikhuna Maye .

“Ciidamadeena Boliska ah ee Soomaaliya jooga waxa ay ka shaqeynayaan ilaalinta nabada iyo xasiloonida sababtoo ah Soomaaliya waa wadan aan walaalop nahay oo sanado badana colaad ku jiray “ sidaas ayuu yiri Alhaji Samuel Sam

Dhinacakale  taliye ku xigenka Boliska AMISOM Benson Oyo-Nyeko oo qeyb ka ahaa wafdiga tagay Sierra Leone ayaa tilmaamay Boliska wadamada Africa oo Sierra Leone  kamid tahay lagu amaani karo sida ay gacan uga geysten xasiloonida ka jirta haatan wadanka Soomaaliya.

Dowladda Sierra Leone waxa ay ka tirsan tahay dalalka ciidamada Bliska AMISOM u soo diray Soomaaliya si ay nabada u xakameeyaan.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »