Dowlada Yamen oo Sheegtay in ay Taagereyso Soomaaliya

Faarax March 7, 2013 0
Dowlada Yamen oo Sheegtay in ay Taagereyso Soomaaliya


Mohammed Salem Basindwa Ra’iisul wasaaraha dalka Yemen ayaa ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya hada ay ku sugan tahay wuxuuna Sheegay in umada Soomaaliya ay Iminka ku Taagantahay Tubta Nabada Cagtana la Heshay Toobiyaha Rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Yemem ayaa shaaca ka Qaaday sidii dowlada Yemen u gacan qaban lahayd Xukuumada Somaaliya oo iminka dadaal ugu jira sidii ay ku hanaan lahayd hanaanka dowladnimo ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wuxuu Maxamed Salem Basindwa uu Sheegey in ay Soomaaliya ka Caawinayaan Dhnak Nabad galyada,hormarka iyo Wixii kamid ah.

Basindwa ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in laga gacansiiyo gaaritaanka hadafka iyo u jeedka ay leeyihiin oo ah in Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabad galyo iyo xasilooni.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Raysal wasaaraha dalka Yemen,in Soomaaliya hormar ka sameyneyso dhanka kasta hadii ay noqon lahayd amaanka iyo dhanka adeegyada bulashada.

Wakaalada wararka ee dalkaasi Yemen Saba,ayaa qortay in Mohammed Salem Basindwa uu ka dhawaajiyay in mar waliba ay garab taagan yihiin Soomaaliya,siina kordhin doonaan taageerada Malitari iyo mida maaliyadeed ay siinayaan Soomaaliya.

Isku Soo wada Duuboo arintaan aya ku soo aadeysa xilli ay wada kulmeen Raysal wasaaraha dalka Yemen iyo waliba Safiirka Soomaaliya dalkaasi Yemen u fadhiya.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com