Dowladda Federalka Somaliya ayaa la sheegay in ay tahay mid ay ku Badanyihiin Haweenka Siyaasadda ka dhex Muuqanaya Gaar ahan dhanka Barlamaanka iyo Hay’adaha Dowladda.
Barlamaanka ayaa la shegay inay Xubno ka Yihiin ilaa 35 Gabdhod oo u badan qurba Joog taaso ka badan marka loo eego dowlidihii KMG ama tan ka horeeyey.
Xafiisyada Dowladda ayaa iyagana la shegay in ay ka shaqeyan Boqolal Haween ah kuwaaso dhaqaajiya Wasaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowliga ah.
Xasan sheikh oo Shalay ka qaybgalay Barnaamij ay Al-jazeera qabatay ku Faanay in Dowladiisa ay qayb Muhiim ah ka siisay dhanka Haweenka isagoo sidoo kalana xusay in Haweenka ay Kaalin Muuqata ka soo qateen Badbaadinta Qoyska xiligii Burburka.
Inkastoo ay ku Yaryihiin Wasiirada Haddana waxaa loo egay Yaraynta Wasiirada Guud ee Somaliya waxaana Dad badan ay aminsanyihiin in tani ay tahay Fursad Fiican marka loo eego Dowladihii Hore
Haweenka ayaa in Badan u Orday in awood sare laga siiyo iyo qayb Fiican Dowladda Federalka inkastoo aysan helin 30% Tirooyin loogu qondeyey Kulamadi Road-mapka haddana waa tiro fiican halka ay Hadda Marayaan.
Haweenka ayaa sidoo kale ku xoggan wakhtigan Dhinacyada Ururada ama Hay’adaha ka shaqeya arrimaha Bulshada Guud ahaan Dalka.
Haddaba Hoos ka Dawo Sawirada Haweenka Siyaasadda Qaarkood
- Sadia Shegow, Xubin Barlamanka Federalka ah
- Naeema Mohamed Ga’al, Xubin Barlamaanka Federalka ah
Waxaa Diyaariyay Nimca Xasan oo Ka Tirsan Raad Raac News, waana Qaybo Kamid ah Warbixinada Raad Raaca lagu sameeyo, ka Hor Maalinta Haweenka Soomaaliya loo qondeeyey ka dheeho Webkan Qoraalo ka Hadlaya Guud ahan Kaalinta Haweenka ee arrimaha Siyaasadda, ku soo Dir Qoraalkaga ama Xogta aad ka hayso E-mailka Qaybta hoose ee Bage-kan ku Daabacn
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —



























