Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta muddo sanad ah Soomaaliya ka qaaday cunnaqabateyntii dhanka hubka ee saarneyd labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu Golaha Ammaanka ka dooday, iyadoo 15-ka xubnood ay isku raaceen in Soomaaliya laga qaado cunnaqabateynta hubka.
Golaha ayaa isku afgartay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka fudud, inkastoo uu weli Goluhu ka fikirayo sidii looga qaadi lahaa hubka culus.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dedaal ugu jirtay sidii looga qaadi lahaa cunnaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeeda tan iyo snaadkii 1992.
Raadraacnews Deska
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







