Maamulka Kaxda: Ciidamada Dowlada ee Kaxda Waxay u Baahan yihiin Tababaro

Faarax March 6, 2013 0
Maamulka Kaxda: Ciidamada Dowlada ee Kaxda Waxay u Baahan yihiin Tababaro



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Maamulka Degmada Cusub ee Kaxda ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Soomaaliya ka Dalbay in Ciidamo Dheeraad ah la Geeyo Degmada kaxda islamarkaana Ciidamada Joogo loo Fidiyo tababar Dheeraad ah.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdi Wali Shiiq Yuusuf oo shirjaraaid ku qabtay Mugdisho ayaa ka hadlay xaalada amaan ee Degmada Kaxda tan iyo markii Degmadaasi loo aqoonsaday inay kamid tahay Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Degmadaasi ammaankeedu wanaagsan yahay waxaase Gudoomiyihu tilmaamay in ciidanka ammaanka ay u baahan yihiin tababar dheeri ah oo ay helaan si ay u sii xoojiyaan ammaanka Dagmada ugana hortagaan waxyaabaha ammaanka ka soo horjeeda.

Guddoomiyaha oo mar soo hadal qaaday isbadalka ammaanka ayaa sheegay in Degmadu ay ka mid aheyd meelaha ugu amniga xun inta aanan dagmo loo aqoonsan iminkana ay ka mid tahay degmooyinka la dhihi karo Gobolka Banaadir way ug nabdoon yihiin.

Dagmada Kaxda ayaa ah Degmo dhawaan kusoo biirtay Dagmooyinka magaalada Gobalka Banaadir iyadoo wali aan loo dhisan xaruntii ciidanka ammaanka waxaana Guddoomiyihu uu hoosta ka xariiqay inay socdaan qorshaha lagu dhisayo saldhiga Dagmada Kaxda.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »