Madaxweynaha Galmudug iyo saraakiil Ajaanib ah oo ku Kulmay xeebta Hobyo

Xaaji March 6, 2013 0
Madaxweynaha Galmudug iyo saraakiil Ajaanib ah oo ku Kulmay xeebta Hobyo


 

 

Waxaa manta galinkii denbe Kulan wada Qaatay Madaxweynaha galmudug Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Saraakiil ka Mida Ciidamada NATO ee ku Sugan Biyaha Soomaliya.

Kulanka ayay Madaxweynaha Galmudug Qaybdiid Iyo Saraakisha Naato Kuwada Qaaten Markab Dushii Kaa Oo Laga Leeyahay Wadanka Denmark waxayna Labada Dhinac Ka Wada Hadleen Sidii Ay Iskaga Kaashan Lahayeen Ladagaalanka Buracdbadeeda  Oo uu Madaxweynaha Galmudug Sheegay In uu Maamulkisu Ku guulaystay Ka Sifaynta Burcadbadeeda ee Xeebaha Ku Teedsan Gobalka Hobyo wuxuuna intaa ku daray in Galmudug ay Leedahay Ciidanka Bada Balse aysan haysan Qibrad Buuxda wuxuuna Madaxweyne Qaybdiid Ka Codsaday Saraakisha NATO In Ay Ka Qayb Qaatan Tababarka Ciidanka Bada ee Galmudug Si ay u Horumarto Ka hortaga Burcadbadeeda ayuu Yiri Madaxweyne Cabdi Qaybdiid, Sidookale Saraakishii NATO ee Kulanka Ka Hadashay ayaa Iyaguna Dhankooda Soo Dhaweeyay Wada Shaqayn Dhex Marta iyaga iyo Maamulka Galmudug iyagoo Xusay In ay Biyaha Soomaliya u joogaan La Dagaalanka burcadabadeeda Balse Hada ka dib ay Caawin doonaa Ciidanka Bada ee Galmudug ayna Siin doonaan Tababaro iyo agabka Ciidanka Wixii Karaankood Ah.

Kulanka Oo Saacado Socday ayaa Ugu denbeyntii waxay Labada Dhinac Soo Kala Saxiixdeen Heshiisyo Dhinca ka Hortaga Burcadbadeeda iyo dhaqan celinta Dhalinta Ka Soo Noqotay Falalka burcadbadeednimada isagoo Madaxweynuhu Xusay in ay Galmudug deegaanadeeda Ka Dhamaantay falka Burcadnimadaa Balse ay Wadaan Qorshe Dhalintii horay u Gashay arinkaa Sidii ay Dhaqan Celin ugu Samayn Lahayeen.

Waa Markii Ugu Horaysay ee Madaxweyne Galmudug uu Ciidamada NATO ee la Dagaalanka Burcadbadeeda Kula kulmo Markab dushii Balse Waxaa horay kulan Caynkan oo Kale Ah u Wada Qaatay Wafdi uu horkacayay Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Qayraadka Badda C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor kuwaa oo kulan Maalin ah La yeeshay Madaxda Ciidamada NATO ee Ku Sugan Biyaha Soomaliya,Inkastoo Kulanka Madaxweyne Qaybdiid uu Ku Soo Beegmayoi Xili ay Socoto Dhismaha Dekeda Hobyo oo ay Ka Qayb Qaadanayaan Ganacsato Isugu Jirta Somali iyo Ajanabi Hadana Lama oga Doorka ay ku leeyihiin Maraakiibta Ciidan eek u Sugan xeebaha Hobyo

 

Raadraacnews Office Gaalkacyo

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »