Messi:Waxaan Sameen Doonaa Xeelad Walbo Aan Guul Oga Gaari Karno Milan

Faarax March 6, 2013 0
Messi:Waxaan Sameen Doonaa Xeelad Walbo Aan Guul Oga Gaari Karno Milan


Laacibka aduunka Leo Messi ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa Barcelona ay sameen doonto si walbo ay guul rasmi ah oga gaari laheed kooxda reer Talyaani ee Ac Milan.

Ac Milan ayaa 2:0 ku dherbaaxday kooxda Barcelona lugtii hore ee garoonka San Serio iyadoo lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou.

Kooxda Barca ayaa looga baahanyahay ciyaartooydeeda shaqo aad u weyn si ay iskaga soo gudaan goolsha lagu lee yahay halka Milan wiilasheeda ay muhiim u tahay in ay guul kaaraan iyagoo kaliya ku filan in ay difaac xirtaan.

“Waxaan balan ku qaadayaa in aan sameen doono xeelad walbo aan oga dhex dusi karo difaacyada darbiga ah ee kooxda Milan” ayuu Messi u sheegay AS.

“Wey adagtahay inaan guul rasmi ah ka gaarno Milan balse jaanis ayaan heesanaa waayo gurigeena ayaa lagu ciyaarayaa waa in aan muujinaa da’daal iyo karti” ayuu Messi ku daray.

25 jirkan ayaa kooxdiisa waji gabax kala kulantay kooxda Real Madrid tartanka Copa Dela Rey halka horyaalakana dhagaha laga tumay iyadoo 2:1 looga awood sheegtay.

Ciyaaro.net

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com