Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mudane Xassan Sheikh ayaa Waxaa uu Caawa la Hadlayay Warbaahinta Dowlada ayaa Si Diiran u Soo dhaweeyay Qaadista Cuna Qabateynta Hubka ee Saarneed Somalia Mudo ka badan 20 Sano oo Galinkii Dambe ee Maanta ay Si KMG ah Mudo Sanad ah u Qaaday Golaha amaanka QM.
Madaxweynaha oo Dalka uga Maqan Safar ayaa Waxaa uu Sheegay in Tilaabada ay QM uga qaaday Somalia Cuna qabateynta Hubka ay Tahay Mid ay Ku Faraxsan tahay Dowladda Somalia ayna soo dhaweyneyso ayna ka fileysay Golaha Amaanka in ay Tilaabadaan Hor Marka leh Qaadi Doonaan,
Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa yiri” Waxaa jiri doonta Xisaabtan dhab ah oo daba socda Qaadista Cuna qabateynta Hubka Somalia Go.aanka QM wuxuu si toos ah ula jaan qaadayaan Isbadalka Siyaasadfee iyo Kan Mila tari ee Somalia ka Bilawday Waxaana Rajo weyn ka qabnaa in aan Dib ugu soo laabano Booskii aan ka joognay Caalamka Mudo ka hor .
“Cuna qabateynta Hubka ee Dalka la Saaray sanadkii 1991 dii waxaa uu caqabad ku noqday in ay dib u soo laabtaan Ciidankii XDS oo Qalab la.aan xoogani qabatay Waxa jira Ciidamo Fara badan oo ku soo taba bartay Dalalka Dariska oo hada ay hayso Qalab la.aan waxaan rajeynayaa in ay Hada heli doonaan Qalab dhameestiran “ ayuu yiri Madaxweynaha Dalka Mudane Xassan Sheikh .
Golaha amaanka QM ayaa Galinkii Dambe ee Maalintii Arbacadii waxaa uu si buuxda iskugu raacay in Si KMG ah Mudo Sanad ah looga qaado Cuna qabateynta hubka Dowladda si ay uga adkaato Ururka Al.Shabaab .
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







