Madaxweyne ku xigeenka Puntland General Cabdi Samad cali Shire ayaa Maanta Wafdiga Rai’sul wasaaraha ku soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaana Durbadiiba loo soo gelbiyay xarunta Madaxtooyada halkaso uu ku sugayay Madaxweynaha Puntland C/raxman faroole.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Imatinka Wafdiga raisulwasaraha isla markana ay ka wada hadli doonan arrimo badan oo labada dhinac u dhaxeeyey.
Saacid oo dhankiisa isagana Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ku Faraxsanyihiin soo dhoweynta ay kala kulmeen Shacabka garoowe iyo Madaxda Puntland.
Saacid ayaa sheegay in inta ay Joogan garoowe ay Kulamo yeelan doonan Madaxda Puntland isagoo sheegay in Kulankaasi uu filayo in wax badan ay ka soo baxaan.
Siyaasadda Cakirnayd ee wayadan dambe u dhaxaysay Puntland iyo Federalka ayaa la filaya in labada dhinac ay ka wada hadlan sida ila Xog ogaal ihi sheegayaan.
Waa Socdaalkii ugu Horeyeey tan iyo intii laga Baxay KMG lana gaaray Nidaamka Federalka Mas’ul sare oo Dowladda Federalka uu ku Yimaado garoowe.
Sawirada Hoose waa Soo Dhoweyntii Hoosna Ka dhagayso Codadkoodi
Codadka Madaxweyne Faroole iyo Raisulwasare Sacid Hoos ka Dhagayso iyagoo dhamaystiran
Sawiradan iyo Codadkaba waxay Xuquuqdooda u Dhoorantahay Raad Raac News Desk Garoowe
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —





































So dhaweynta rai’isul wasaraha kama qayb qadan Faroole iyado ognahay xiligi dowlada Kumel gaar ahayd uu Airporka tagi jiray Faroole waa arin dhawaq noo keni tarta sida paratakol ahaan waxana muqata in aragtiyo kala duwanasho ka jirta dowlada puntland & dowlada Fadaralka
ALLAAH Tawfiiqda ha na waafajiyo, Madaxdeenana talada iyo Tubta toosan ALLAHA ku hago.
Waaaaaaaaaw Bahda webkan hambalyo sawiro qurux badan watana dareen somaalinimo ayaad soo bandhigteen weligaan sidaa ugu soo bandhiga somaalida kala tagtay waayo dhambaaladiina iyo sawiradiinaba ayay ka muuqataa somaali weyn isu keenideedaba ee EEBBOOW quluubteen isu soo celi madaxda soomaaliyeedna ka dhig kuwii soo celin lahaa karaamada iyo sharaftii iyo haybadii dowladnimo ay soomaali ku mideysan tahay.
Bahda webka Raad raacna noolaada illaah ha idiin la garab galo dadaalkiina siina kordhiya baal dahab ah ayaad ka geli doontaan Soomaaliya.