Shaqi weeye jaalkayow Shiikha kii dilaye!

Xaaji March 3, 2013 0
Shaqi weeye jaalkayow Shiikha kii dilaye!


 

 

Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, Eebbe ha u naxari- istee, wuxuu ahaa: caalim; wuxuu ahaa macalin aad u xikmad badan; wuxuu ahaa faqiih rabbi ku manay- stay inuu dhuuxo nusuusta kitaabka iyo sunnaha; wuxuu ahaa barbaariye turriin badan oo jecel wa- naagga muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan soomaa- lida; wuxuu ahaa daaci u weel qaaday isagoo da’yar in la saxo waxa ka khaldamay ummadda oo diin ah; wuxuu ahaa walaal naxariis badan oo bulshay ah, marna aabbe jecel in si isku mid ah uu isugu hawlo danaha bulshada oo dhan.

Sh. Cabdulqaadir wuxuu ahaa nin aad ugu xeel dheer garashada iyo odoroska waxa soo socda; wuxuu ahaa ruug caddaa ku cirroobay fidinta diinta islaamka; wuxuu ahaa nin si mug leh u fahansan siyaasadda sharciga ah.

Run ahaantii, lama soo koobi karo tilmaamihii wa- naagsanaa ee shiikha, waxaase lagu xusuusan karaa sida uu uga mid ahaa amaba hormuudka ugu ahaa raggii u sal dhigay dacwada salafiga ah ee ka hana qaadday Soomaaliya. Waxaa kale oo uu baal dahab ah ku galay sida uu uga hortagay mabaadii’dii qal- loocnayd ee laga soo raray adduun waynaha sida shuuciyaddii ama markisayadii soomaaliya ku soo daacday xilligii meletariga.

Waxaan iyana la illaawi karin sidii mugga lahayd ee uu tooshka ugu ifiyay fikraddii takfiirka, taas oo ka soo askuntay xilligaan dhow dalka Masar kaddib markii Jamaal C/naasir uu xabsiga ku uruurshay ardaydii madarasdii ikhwaanka, isla markaasna si adag loogu caddibay xabsiyada dhexdooda, waxaana hindisaha cusub ee fikradda takfiiriga ah lahaa nin la oran jiray Shukri Mustafa.

Shiikhu wuxuu ahaa shakhsi mar walba jecel toos- naanta, waxa uu nebcaa qallooca iyo xad gudubka, wuxuu ahaa geesi aan xaqa cidna uga leexan xataa hadday tahay cidda uu la hadlayaa saaxiibbadiis, wax- aana marag ugu filan sida uu uga horyimid dagaal- ladii dhexmaray Itixaadkii iyo Jabhadihii soomaalida, dagaalladaas oo uu shiikhu ugu mudnaa culimo badan oo u arkaysay in aan maslaxad lagu gaarayn. Sidoo kale, habdhaqankii maxaakimta ee ahaa aan roorno oo jabinno ayuu shiikhu waxa uu u arkayey in sida wax loo wado ay tahay si aan dheellitirnayn oo ka fog sunanka kawniga iyo kuwa sharciga ah, waana la ogaa sidii aan loo mahadin orodkii xawliga ahaa ee aan sida fiican loogu arrimin.

Gurboodkii yaryari talada waa, guhaguheeyaane!

Waxaan iyadana la illaawi karin sida uu sheekhu u iftiinshay qallooca xarakada Al-shabaab iyo sida ay uga fogaadeen dhex-dhexaadnimadii Ahlusunnaha, isla markaasna u fududaysteen dhiigga muslimiinta. Waxa uu aad uga hadlay dadka maalin walba iyo habeen walba lagu laayo xatabadaha masaajidda taas oo ugu dambayn sababtay in la dilo sheekha Allaha u naxariistee.

Haddaba, ma mudnaa shiikhaas cimrigiisu ahaa sadex iyo todobaatan jir kuna gamaaray cibaadada, khayrka iyo fidinta diinta isaga oo ku jira masjidka gudihiisa, ku jira jamaacada, tukanaya salaadda casarka xilli malaa’igtu ay is baddalayso, hortaagan rabbigiis, ku jira rakcaddii sadexaad, ka soo kacay ru- kuuc, leh samicallaahu liman xamidah in uu jeegada ka toogto wiil yar oo jaahil ah oo masjidka kabaha la soo galay.

Alla dakhalka jabay aan waqii, laga dawoobaynin!

Run ahaan, waxaa saas yeelay waa shaqi qalbigi- isu madow yahay oo aan lahayn diin iyo damiir midnaba. Waxaa la mid ah kuwa soo diray, kan soodhoweeyay iyo kan ku farxay falkaas aadka u liita.

Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye! Kooxdaan caadaysatay dilka haldoorka ummadda, gaar ahaan culimada, waa dad marin habaabay oo ka leexsan dariiqii toosnaa, waxaana ku kadsoomaya dad silloon oo ama ah xukun doon ama manfac doon ama ah maangaab.

Tusmadii ka bayrtiyo halkii, idinku toosnaaye Tahna midaan ogayn buu khatali tamashlihiiniiye Waxaa tahan idiin garan, ninkii tagay rugtiiniiye!

Aniga waxaa iiga daran kuwa dilay shiikha ee arxan laawayaasha ah kuwa ku faraxsan ama si dadban ugu diirsaday ee leh shiikhu asagaa baray nimankaan waxa ay samaynayaan, oo haddana waliba ku abtirsada dhaqdhaaqyo islaamiyiin ah, kuwaas oo aad mooddo in xasad qalbiga kaga jiro oo uu indho tiray.

Adduunyadan ninkeedii gardaran, lagu gargaaraayo Adduunyadan ninkii godobta qabay, garab la siinaayo Ee laga gabbaanaday kuwii, gudan lahaa aarka Gu’ ma jirin ninkii taa waqtigan, godol ka eegaaye!

Qolyahaan aan sheegayo waa qolyo ka soo horjeeda kuwa dilaya culimada mabda’ ahaan, laakiin si dadban kuu oranaya alaylehe, maalin dhawayd ayaa nin wuxuu afcarabi ku yiri ninkii qodax beertaa canab ma gurto, taas oo uu ula jeedo in culimada la laynayaa ay beereen kuwa laynaya taas oo ah been aan raad lahayn. Kuwa saas lihina waa ogyihiin inay been sheegayaan laakiin waxay is leeyihiin dadka khalda oo qaab kale culimada mar labaad idinkuna u madax- goosta, laakiin ha ogaadeen dadku caqli bay leeyihiin, waana garan karaan carrabka dalabta leh, sidoo kale culimadii wali waa noolyihiin ee ma dhammaan xertoodiina waa joogtaa shacabka soomaaliyeed ee sharfta badanina waa markaahti.

Kurbo iyo xanuun ma leh wuxuu, keenay eebbahaye Kashiga iyo hammiga igaga jira, kabada uurkayga Waxba yay i kululayn ilaah, wayga kaafiyine.

Ugu dambayn waxaan kula talinayaa kooxdaan iyo taageerayaasheeda in ay tawbad keenaan inta goori goor tahay. Sidoo kale, waxaan u baaqayaa kuwa u qareema ee qoraallada ku taageera, kuwa u gar naqa shiikha godka yaal ee dulmiga lagu dilay iyo dhagar- qabihii dhiiggiisa daadshay, waxaan leeyahay war
is daba qabta oo ogaada waxaad ka laadlaaddaan haadaan.

Dareennada arlaa’iga ka iman, dil iyo laystaanta Docdii laga yimaadaba fitnada, duul waliba sheegi Dunidaa xumaantaa leh oo, laguma diimaayo!

Sidoo kale, waxaan u dardaarmayaa naftayda, cu- limada, asxaabta iyo bulsha waynta soo maaliyeed in aynu ku adkaysano xaqa oo aynaan quusan, isla markaasna aan ka shaqayno faafinta dacwadii saxda ahayd ee culimadeena loo dilay darteed iyo wax alla wixii maslaxad adduun iyo mid aakhiroba ah, waana inaynaan ku dagmin kuwa iska dhigay dhexdhexaad- ka laakiin u qareema dulmiilayaasha.

Madiixiyo gabaygaagu waa kaa, muraadsadaye Macnihii dawacadii haddaad, igu madaarayso Miidlaha wankiyo goortii ay, mariso reerkaaga Ooy maqasha kaa layso bay, kuu mashxaradaaye!

Shiikh Cabdulqaadir, Eebbe ha u naxariistee, wax- aan bartay sanadku markuu ahaa 1986dii aniga oo ah kuray, markaas shiikhu waxa uu ahaa macallin akhriya kutubta, waxa uu ahaa daaci geesi ah, waxa uu ahaa aftahan hadalka ku deeqsiinaya, waxa uu ahaa ma daale aan marna caajisin,. Sidaas oo ay tahay, shiikhu hal xabo oo cirro ah madaxa iyo garka midna kuma lahayn.

Nin shukriga ilaah iyo shahaadada, qiraan ahay
Nin Shuruudda tawxiidku ku, shishayso baan ahay
Nimaan Shaaricu siduu yiri, shakiyaynin baan ahay
Nin shafeecadii Nabiga shinsanaaya, baan ahay
Nin shabaab ahaantii shareecada, bartaan ahay
Nin shuuriyo ancaam iyo shuuraba, dhigtaan ahay
Nin sharribay tafaasiirta shuruuxdana, og baan ahay
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin, ka sheexayaan ahay!

Waxaa iigu dambaysay, Eebbe ha u naxariistee, 5-tii Febraayo 2013-kii, oo ah 10 maalmood ka hor dilkiisii. Waxaan ku booqday gurigiisa. Waxa uu ahaa shayb cirradu ay qarisay inta badan timaha jirkiisa ku yaalley, waxaa hayay xanuun uu la jiifay in muddo ah, waxaa ka muuqatay diif iyo tabar darro xanuunka awgiis. Dhanka kale waxa uu ahaa mid aad u far- axsan, aniga oo la jooga ayaa waxaa loo sheegay in beel, beelaha Nugaal dega ka mid ahi leedahay shir,. Waxaa rag ardaydiisa ihi ka codsadeen in ay baadiye fog oo shirku ka dhacayo ay u kaxeeyaan si uu usoo wacdiyo beeshaas.

Runtii, waxa aan la yaabay sidii uu durbaba u aqba- lay dalabkoodii. Waxa aan is iri war nimanku ma waalanyihiin! Waxa aan iri, sheekh tegi kari mayside hays dhibin. Waxa uu yiri, maya baabuur haddaad ii keentaan waan tegayaa tabari say doonto ha ahaatee. Hankiisii khayrku isma dhimin!

Labadaa muddo ee kala fog ee aan kor ku soo sheegay intii u dhexaysay shiikha, Eebbe ha u naxari- istee, waan aqaaney: mar sheekhaygii buu ahaa, mar waalidkey buu ahaa, mar walaalkay buu ahaa, marna saaxiibkey ayuu ahaa, khayr ayaan ku bartay, khayr asagoo ku jirana waa iigu dambaysay, asagoo Allaah hortaagana waa la dilay, Allaah waxaan uga baryayaa in uu ku abaal mariyo Al-firdaws Al-aclaa.

Shaqiga Shiikha diley, waa kuray macangag ah, waa jaahil dhoohane ah, waa safiih fitnada ku qaangaa- ray, waa sumad laawe aan taariikh lahayn, mar waxa uu shabbahaa maska ama abeesada, waayo labaduba qofka waa dilaan waxbana kama dheefaan dilkiisa oo ma aha sida dugaagga kale ee hilib quudatada ah. Mar waxa uu la masaal yahay dhidarka, maxaayeelay dhidarku waxa uu ku soo baxaa tiro ari ah markaas ayuu kulli laayaa mid kaliyana waa ka cunaa, haddii la waraystay oo la yiri war qoor iyo xero ka dabag- gaalleeye maxaad ariga u wada laysay adoo mid kaliya ka cunaya, waxaa uu ku jawaabay waxa aad arkaysaan waa kalgacal iyo xubbi aan ariga u qabo, balse waxay ka dhacday markii arigu aniga i arko ayuu didayaa markaas ayaan anna isu duw leeyahay saa taan dhar- baaxaaba waa bakhtidaa.

Kooxda wiilkaanu ku abtirsado soo lama oran karo waxa muslimka ay u laynayaan oo ay ka faa’iidayaan maxay tahay?, bal adba! Marka ay dilaan shiikh, ganacsade ,oday, sarkaal iyo xataa xaawaley haddii la yiraahdo war dadkii dhamayse e waa sidee?, waxay ku tiraabayaan khayr baan la rabnaa, janno ayaanla doonaynaa! Dawlad islaam ah ayaan u dhisay- naa! Mar mar inkir bay isla soo taagayaan waxayna oranayaan Allaha u naxariisto, shahiid buu ahaa, xaashaaye anagu ma dilin iyo wax kale oo ka sii yaab badan, oo sawtaad shalay lahaydeen dastuur riddo ayuu oggolaaday, Mahiiga ayuu u duceeyay, tolkii ayuu taageeray, maamulka ayuu lacag u uruuriyay (top secret), mise afkiinna iyo dhagihiinnu isma maqlaan, waase gartood!

Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi! Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne? Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e?

Kuwii diley Cumar (Alle ha ka raalli noqdee), dulmi- ilayaashii diley Cusmaan (Alle ha ka raalli noqdee), Khawaarijtii Cali (Alle ha ka raalli noqdee) inta dishey isugu hambalyeeyay, Xashaashiintii (assasin- ates) diley Cimaaduddiin al-sinki, sidoo kale qaad- digii Asfahaan Cubaydullaahi Al-khadiib, qaaddigii Naysaabuur Qaaddi Axmed, iyo rag kale oo fara badan sida wasiirkii Maliku Al-shaah Al-saljuuqi, Al-amiir Marduud oo ay dileen Jimce salaadda kaddib waliba masjidka dhexdiisa ayay ku dileen, waxay kale oo ay dhawr jeer sigeen Salaaxuddiin Al-ayuubi, iyo kuwaan diley Dr.Axmed Xaaji, Sh.C/ qaadir Nuur iyo Muslin kale oo farabadan kuna diley meel walba maxaan ku kala sooci karnaa?

Bari cune soo bixi doonee!

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur

Xigasho-Garowe online

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com