Side Maanta Wafdiga Raisulwasaraha loogu soo dhoweyey Cabudwaaq (Sawiro iyo Cod)

Faarax March 5, 2013 1
Side Maanta Wafdiga Raisulwasaraha loogu soo dhoweyey Cabudwaaq (Sawiro iyo Cod)



style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

 

Wafdigii uu Hoggaminayay Raisulwasare Saacid oo Maanta Garay Cabudwaaq ayaa kala kulmay soo dhoweyn diiran iyadoo Dadweynaha ay safnayeen dhamaan wadooyinka Cabudwaaq.

Raisulwasaaraha iyo Wafdigiisa oo la hadlay Dadweynaha ayaa waxaa ay sheegen in socdaalkooda uu la xiriiro u kuur gelidda Xaaladaha Gobalkaas isla markana ay eegi doonan wixii ay ka qaban karaan Bahiyaha taagan ee bulshada ay u gudbiyaan.

Dadweynaha Madax u hadashay ayaa soo dhoweyn kaddib waxa ay sheegen in dowlad kasta ay ka gaabisay wax u qabashada Gobalkas balse ay ku faraxsanyihiin markii ugu horaysay wafdi ceenkan ah ee gaara deeganadooda.

inkastoo deegankan ay Kamid tahay Deeganada uu Saacid ka soo jeedo haddana waa meel ay ka taliyan ahlu sunna waljameeca waxaana wafdiga raisulwasaraha sugidda amnigiisa iska kashaday Amisom iyo ahlu sunna, waxaana jira Kulamo uu  la yeeshay waxgaradka Cabudwaaq inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxii ay ka wada hadleen haddana waxaa la sheegay in iswaraysi ay badankood la xiriireen, iyo ka wada hadalka wax ka qabashada baahida Deeganka ka jirta ee ay dowladda uga baahanyihiin.

Xafiiska Raisulwasaaraha ayaa Warsaxafadeed ka soo saaray Socdaalka Raisulwasaraha ee Caabudwaaq

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo saaka safarka dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa markii ay magaalada soo gaareen si weyn loogu soo dhoweeyey Barxadda Saldhigga degmada halkaasoo ay isugu soo banaanbaxeen kumanaankun oo dadweynaha magaalada iyo hareeraheeda. Iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin (Soo dhowaada Jaalayaal).

Ra’iisal Wasaaraha oo dadweynaha la hadlay ayaa aad ugu ammaanay sida ay isu xil qaameen shacabka reer Caabudwaaq, una soo dhoweeyeen wafdiga dowladda ee u kuurgalaya xaaladda gobolada dalka, gaar ahaana gobolada dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa  yiri “Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya, waxayna u kuurgaleysaa dhamaamba xaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa kormeerkan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in soo dhoweyntan ay tusineyso sida shacabka Caabudwaaq u taageersan yihiin dowladdooda.

“Waxaan idiin cadeynayaa in kaalinta dowladda aad ku leedihiin aanu diyaar idiinla nahay, adinkana waxaan idinka sugeynaa kaalinta ay dowladdu idinku leedahay inaad dhameystirtaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay dadka degmada sida ay isaga difaaceen kooxaha nabadiidka ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa kula dardaarmay shacabka reer Caabudwaaq inay nabadda iyo is dhexgalka ka shaqeeyaan, wuxuuna si gaar ah ugula dardaarmay inay nabad kula noolaadaan degmooyinka iyo gobolada deriska la ah. taasoo buu yiri keeni karta nabada oo horumarta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u balan qaaday in dowladdu ku taageeri doonto degmada iyo gobolkaba sidii ay u yagleeli lahaayeen maamul gobol oo ku waafaqsan Dastuurka.

Ugu dambeyntiina Ra”iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka, iyo kan degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo dhamaan bulshada degmada, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Walaalaha Jabuuti oo qeyb libaaxleh ka qaatay sugidda amniga gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Sawirada Wafdiga

IMG_2599

IMG_2601

IMG_2606

IMG_2614

IMG_2625

IMG_2627

IMG_2637

IMG_2642

IMG_2659

IMG_2663

IMG_2668

IMG_2688

IMG_2693

DSC09612

 

 

Raad Raac News Desk Gaalkacyo

 

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »