UEFA Oo Baaritaan Dhanka Dishibiliinka La Xiriira Ka Furtay Manchester United Ka Dib Kulankii Xalay.

Faarax March 6, 2013 0
UEFA Oo Baaritaan Dhanka Dishibiliinka La Xiriira Ka Furtay Manchester United Ka Dib Kulankii Xalay.


 

Uefa ayaa baaritaan dhanka dishibiliinka ah ka furtay Manchester United iyo Nani ka dib guuldaradii ka soo gaartay Real Madrid xalayto.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa casaan qaatay qeybtii labaad ee ciyaarta ka dib markii uu kabtiisa xabadka ka geliyay daafaca midig ee Los Blancos Alvaro Arbeloa, inkastoo uu ku andacooday inuu u jeeday kubada oo usan fiirinineynin ciyaaryahanka.

Go’aankaas ayaana keenay in Sir Alex Ferguson uu furka tuurto, waxaana 71 jirkaan uu booskiisii shirka jaa’id ee ciyaarta ka dib uu u diray ku xigeenkiisa Mike Phelan.

Phelan ayaana shaaca ka qaatay in Ferguson uu ka careysnaa go’aankii garsoore Cuneyt Cakir sidaasi darteed uusan saxaafada u horimaanin, inkastoo taas ay ka soo horjeedo sharciga UEFA.

Red Devils ayaa sidoo kale ciqaab ku mudan karta madaama ay ku guuldareysteen in labo ciyaaryahan ay u soo diraan saxaafada ka dib ciyaarta.

Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League ayaana talaabooyin kale oo ganaax ah muteysan karta hadii garsoorayaasha ay warbixintooda ciyaarta ku daraan sacabatunkii Rio Ferdinand ee kajanka ahaa ee uu ku horsameeyay wajiga garsooraha markii Nani casaanka la siinayay.

 

Laacib.net

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com