Weriye Michal Socott Oo sanad ka hore laga afduubtay Konfurta Gaalkacyo ayaa xilligaani waxaa lagu hayaa dhul banan ah Oo ku Yaala Deegaano Hoos Yimaada Dagmada Hobyo ee Gobolka Mudug halkaasi Oo degaan Ahaan Uu Taliyo Maamulka Galmudug
Michal Socott ayaa la afduubtay xilli uu Garoonka Gaalkacyo uu ka soo laabtay islmarkaana ku soo wajahnaa Hotel uu ka daganaa Konfurta Gaalkacyo inta uusan soo gaarin hoyga uu dagaan ayaa jid wax u galay maleshiyad hubeysan taasi oo sababatay in laga faramaroojisto kooxdii ilaalada ka haystay Michal Socott
Waxaana Afduubka ka dib lala aaday Meyga Gobolka Mudug Halkaasi oo ay aaminsanayeen in ay ku bad baadin karaan Nolosha weriyaha iyo Amnigooda waxaana xilligaasi kadib Maamulka Galmudug uu Bilaabay Dadaalo uu ku doonayo in uu ku soo furto Ninkaasi ajnabi ahaaa Balse ma aysan u suurta Galin
Xaaladii Caafimad ee Xilligani
Weriyaha ayaa la sheegayaa in xaaladiisu ay tahay mid aan wanagsaneyn maadaama sida la sheegay kooxaha burcada badeeda ee gacanta ku haysa Saxafdiga ay kal hore ay gacanta ka jabiyeen xilli uu ka biya diiday in uu cunto cuno
Waxaana la tilmaamayaa in weriyaha uu mudooyinki dambe xanuunsana islmarkaana uu la qaban san waayay cimliada degaanka lagu haayo maadama ay tahay dhul hood ah oo aan qof bini aadam uusan ku noolaan karin
Waxaaana Marara badan kooxda Gacanta ku haysa ay ugu hanjabeen in ay dili doonana ama ay gacanta u galin doonan kooxda alshabab taasi Oo qal qal ku abuurtay xaalada weriyaah
Shaki kuma jirto in uu is badalay muuqalka saxafiga waxaana la sheegayaa in hadii an wax laga qabanin ama aana laga soo deynin gacanta burcad badeeda ay kalifi karto in xaaladii caafimaad ay halis ay sii gasho
Sida Uu magaalada Ku SooGalay Michal Socott
Michal Socott ayaa Magalada Gaalkacyo waxaa keenay Nin ka soo jeeda Maamulka Galmudug kaasi Oo lagu Maacaabo Maxamed Sahal waxaana xilligasi Magaalada uu ku soo Galiyay in uu yahay injineer soo qiimeyn raba habka loo dhisaayo Marsada Hobyo iyadoona masuuliyinta Galmudug ee xilligaasi uu Hogaaminayay madaxweyne Caalin ay xusen in Michal Socott uu qeyb weyn ka qadan doono dhisida Hobyo iyo wadooyinka bur bursan taasi oo ku tuseeso in maamulka Galmudug deegaanada uu ka arimo ay gali karaan cida rabta in ay dana ka soo qabsato
Xaqiiq Waxa Uu ahaa Michal Socott
Michal Socott ayaa Markii la afduubtay Saxaafada Soomaalida iyo kuwa Caalamka siyabo kala duwan ayey uga hadleen waxa uu aaha Michal Socott
Saxaafada Qaar ayaa xilligaasi waxaa ay ku sheegeen in uu yahay injineer soo qiimeynaayo dakada Hobyo Halka kuwa kalane ay ku tilmaameen in uu ahaa sarkaal sirdoon ah oo ka socda dowlada markenka Halka kuwa kalne ay ku sheegen in uu ahaa weriye u guur galayay xaalada Gobolka Mudug iyo awooda burcad badeeda ,
Balse Xaqiiqdii Dambe waxaana la Ogaaaday in Michal Socott uu ahaa saxafadi ka shaqeynayay wakaalda wareed oo ku taala Dalka Jarmalka islmarkaana Lagu Magaacabo spical Online waxaana Gobolka mudug uu ka soo doonay sidii wax u qori lahaa hab dhaqanka burcada badeeda saameynta gobolka ee burcad badeeda .awooda burcada iyo awooda Maaamulka Galmudug eek u aadan la dagaalanka Burcada Badeeda ,
Cida ka qeyb qaatay Afduubka Michal Socott
Afduubka Saxafiga ayaa qeyb weyna ah waxaa ka qaatay qaar ka mid ah ilaaladii ka soo waday garoonka Gaalkacyo iyo qaar kamid ah ehelada Ruuxii Keenay magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo ka gadoodsanaa sida uu wax u waday Ruuxi keenay Gaalkacyo waxaana markii dambe sababay in ay ku fikiraan qaabkii ay u afduuban lahaayeen Saxafigaasi .
Xaaladihii Ugu dambeyay Ee Weriyaha
Xaaladii Ugu dambeyay ee Weriyaha ayaa sheegay in ay tahay mid aad u adag islmarkaana uu la daalan dhacaya Cuduro iyo Cilimida deegaanka Lagu Haaayo .
Kooxda Gacanta Ku Hayso Michal Socott
Kooxda burcada badeeda ah ee Gacanta Ku Hayso Saxafiga ayaa sheegay in ay ka doonayaan lacag madax furasho aad u tire badan balse aysan sheegin cadada ay dhan tahay
Waxaana sidoo kale ay sheegeen hadii ay waayaan Lacagta ay ka doonayaan in ay gacanta u gali doonaan kooxda alshabab ama ay dili doonana
Raadraacnews Office Gaalkacyo
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —















