Xog Culus: Madaxweyne Hassan oo ku dhagan Wasiiradda Fowsiyo Yuusuf Aadan. “Warbixin”

Faarax March 1, 2013 1
Xog Culus: Madaxweyne Hassan oo ku dhagan Wasiiradda Fowsiyo Yuusuf Aadan. “Warbixin”

 Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka shaqeeya Xafiiska Madaxweyne Hassan Sheekh ayaa si hoose ugu xog waramay in Madaxweyne Hassan Sheekh uu Damacsan yahay in xilka laga qaado Wasiirada Arimaha Dibadda Fowsiyo Yusuf Aadan oo u arko Madaxweynaha Halis Qarsoon oo Wajiyo badan la soo baxday kadib Amaro Badan oo Madaxweynaha oo ay ka hor timid.



Xogtaan aan heleeyno ayaa sheegeysa in Wasiirada Arimaha Dibadda ay ku garab tahay Ra’isul Wasaaraha Somalia Saacid ayadoo isu aragto in Madaxweynaha uusan waxba ka qaadi karin sida ay inoo xaqiijiyen waxeeyna is hortaagtay Wafuud Caalami ah oo Wasaarada Arimaha Dibadda la soo xiriirtay si ay ula kulmaan Madaxweynaha.

Haweeneydaan Wasiirka Arimaha Dibadda loo Magacaabay ayaa aheyd Musharax Xisbi Siyaasadeed Somaliland donayay in uu ka qeyb qaato Doorashada Maamulka Somaliland balse loo diiday in Xisbigeeda in uu ka qeyb qaato olalaha Doorashada Maamulka Somaliland balse markii dambe jaanis ka heshay Ra’isul Wasaare Saacid oo ay Saaxiibo isu dhow yihiin oo loo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Somalia.

Isku Soo Wada Duub Madaxweyne Hassan Sheekh ayaa la sheegayaa in Ra’isul Wasaaraha uu ku qanciyo in uu Wasiirka Arimaha Dibadda hada xilka ka qaado si loogu badalo qof kale oo Reer ahan ka soo wada jeedaan Isaaq oo ka mid ah Kooxda Damjadiid balse waxaa la ogeyn sida ay ku suura Galeyso Arinkani.

Qore M M YUSUF
MOGADISHU SOMALIA:

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com