Gusha Siyaasadeed ee Somaliland iyo Guuldarada Puntland.

Moos Bukeeni March 16, 2014 0
Gusha Siyaasadeed ee Somaliland iyo Guuldarada Puntland.


Socdaalka Wafdiga Somaliland ee uu hoggaminayay Madaxweyne Silaanyo uu maantay ku tagay Degmada Laas Qoray oo aan sida uga Fogayn Magaalo Ganacsiga Puntland ee Boosaso waxaa ay ahayd Guul Siyaasadeed oo muddo 22 Sanno ah ay sugaysay Somaliland oo aminsan in deegankaas uu tahay Xuduuda ay la wadaagto Puntland.

Hadafka Siilanyo ee Safarkaas ayaa ahaa mid uu ku tusinayay beesha Caalamka in Laas-qoray ay tahay deegaan ka tirsan Somaliland, sidoo kalana uu ku kasbanayo arrintaas shacbiyad dhanka gudaha Somaliland ah.

Socdaalka Siilaanyo ayaa qayb ka ah mid uu ku marayo qaybo badan oo Somaliland kuwaaso uu qaybtood soo maray qaarna ay u harsanyihiin weli waxaa deeganada harsan ee la filayo kamid ah Xuduuda uu la leeyahay Puntland ee dhanka Gambara waxaana taasi ay qayb ka tahay Olalaha Doorashadiisa Sannad kaddib iyadoo socdaladaan ay dad badan aminsanyihiin mid uu kaga duwanyahay Madaxdii hore ee Somaliland oo 22 Sanno aan tegin deeganada uu Siilanyo tagay oo ay kamid tahay Laas-qoray.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu Dadka reer Laasqoray u balanqaaday in uu ka saacadi doono dhinicyada Binidanimada Waxbarashada, dhisitanka Dekadda Laaqoray iyo Datactirka Warshadda Kaluunka.

Safarka Silaanyo waxaa ku wehliyay Saxafiyiin waxaana uu qayb ka ahaa in uu Beesha Caalamka iyo Soomaalidaba tusiyo in Deegankaas oo ay isku hayan Puntland ay tahay deegaan ka tirsan Somaliland, taasina maanta sida muuqata wey hirgashay.

 

Puntland

madaxtooyo

inkastoo deeganka laasqoray ay gareen Ciidamo Puntland wax yar kaddib Wafdigii siilanyo markii Safarkooda uu Guulaystay, waxaa isla gelinkii dambe arrintaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indha-guran inkastoo Dadka reer Puntland aysan Jeclaysan hadalka Wasiirka iyo qaabka uu u Difacayay Puntland iyo ka hadalkeeda arrintaas haddana wuxuu hadalkiisa ku qotomay Daandansi siyaasadeed Safarka Silaanyo ee Laas-qoray.

Hadalka Wasiirka waxaa uu u muuqday mid aysan filayn ka Maamul ahan socaalka Wafdiga Somaliland ama aysan ka warhayn taaso muujin karta Dabacsanaan Amni iyo Ogaansho yari.

Arrimahan waxay noqotay hadalhaynta ugu badan ee maanta waxayna dadka reer Puntland dib u soo gucanayeen hadalka wasiirka Warfaafinta iyadoo qof welibana uu fasiraad gooni ah uu ka samaynayay tixraaca hadalka.

Dad badan oo dhacdadan wax ka qoray badankoodna ah qorayaal ka soo jeeda Puntland waxay tilmaameen dib u dhac iyo Jebin qaybo kamid ah Dastuurka Puntland.

isku soo wada duub arrintaan waxaa lagu micnayn kara ,Guul Siyaasadeed oo Somaliland ay si fudud oo dhib yar ay ku hanteen iyo Guuldaro dhinacaas ay ka soo wajahday Puntland.

Waxaa qoray Qoraalkaan.

Abas Isse Afdheeredoonan .

SOO DHAWEYNTA SIILAANYO EE LAAS QOREY.

IMG_0735 IMG_0744 IMG_0750 IMG_0754 IMG_0758 IMG_0764 IMG_0782 IMG_0787 IMG_0827 IMG_0835 IMG_0838 IMG_0869 IMG_0900 IMG_0919 IMG_0943 IMG_0965 IMG_0985 IMG_1020 IMG_1048 IMG_1051

 

 

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »