Manchester City Oo Horyaalka Ay difaacanayso Guul Muhiim Ah Ku bilaabatay

Faarax August 17, 2014 1
Manchester City Oo Horyaalka Ay difaacanayso Guul Muhiim Ah Ku bilaabatay

 

Kooxda difaacanaysa horyaalka ingiriiska ee Manchester City ayaa horyaalka ku bilaabatay kooxda Newcastle oo ay gurigeeda St James Park ku booqatay. Tababarha kooxda Man city Manuel Pellegrini ayaa ciyaarta ku soo galay lineup adag isagoo doonayay inuu horyaalka ku furto guul. Man City ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Newcastle iyadoo 2:0 kaga badisay. waxaana labada gool ukala dhaliyay David Silva iyo Sergio Aguero oo ciyaarta badal ku soo galay.




style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Ciyaartan oo ahayd mid aad iyo aad u xamaasad badan ayaa ku bilaabatay weerar xoogleh oo ay ku bilaabatay ciyaarta kooxda Man City. Edin Dzeko ayaa daqiiqadii saddexaad ku sigtay inuu kooxda City hogaanka u dhiibo  kadib markii uu kubad qurux badan ka helay Jovetic balse goolhaye Tim Krul ayaa ka badbaadiyay kooxdiisa.

Man City ayaa culays badan saartay difaaca kooxda Newcastle waxana daqiiqadii 38 ee qaybtii hore ee ciyaarta Man city u suurto gashay inay hogaanka qabto waxaana goolka furitaanka u dhaliyay David Silva. Kubbad uu meel fog ka soo tuuray Yaya Toure ayuu Dzeko cidhib ugaga tagay Silva kaas oo si fiican Krul kubbada u dhaafiyay.Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay City hogaanka ku qabatay. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay Man city oo ku hogaaminaysa 1:0.

Silva

Markii laysku soo nastay ee koox kastaaba tababaraheedo soo dardaaray ayaa lagu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta, waxayna labada kooxoodba garoonka ku soo laabteen iyadoon wax isbadal ah lagu samayn ciyaartoydii qaybtii hore ee ciyaarta ay labada kooxood ku soo kala galeen . Newcasle ayaa ciyaarta ku soo laabatay iyadoo dardar xooglehi ka muuqato waxayna bilawgii qaybtii hore ee ciyaarta halis galiyeen goolka uu waardiyaha ka hayay Joe Hart. labada kooxood ayaa ciyaarayay kubbad weerar ku dhisan iyadoo ay sameeyeen fursado dhawr ah oo goolal noqon kari lahaa.Newcastle ayaa in badan isku dayday inay keento goolka baraajaha halka Man city ay iyana doonaysay inay la timaado goolka kalsoonida ee labaad. Pellegrini ayaa daqiiqadii 83 ciyaarta badal ku soo galiyay Sergio Aguero. Aguero ayaa kooxdiisa goolka labaad u dhaliyay ciyaarta oo maraysa daqiiqadii labaad ee waqti daayaca. ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay Man city oo 2:0 ku guulaysatay .

Pellegrini ayay farxad u tahay in kooxdiisu qaab ciyaareed fiican ku bilaabatay horyaalka kadib niyad jabkii ka soo gaadhay Community Shieldka kadib markii Arsenal 3:0 kaga qaaday koobkaas. Man City ayaa ciyaartan gananta ku haysay waxayn umuuqataa inay tahay koox nidaamsan oo lays odhan karo way difaacan kartaa horyaalka. waxaan hore u soo aragnay qaab ciyaareedkii kooxaha Man united, Arsenal iyo Liverpool oo aan odhan karno wali way ka hooseeyaan qaab ciyaareedka aan caawa ku daawanay kooxda difaacanaysa horyaalka. waxaan eegidoonaa qaabka ay Jose Mourinho iyo nimankiisu horyaalka ku bilawdaan mar haddii aan soo aragnay dhamaan kooxihii kale ee horyaalku ku ka dhaxeeyay.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






One Comment »

  1. sbo August 26, 2014 at 3:14 am - Reply

    This article is intersted and I must to follow it.

Leave A Response »