Man United Oo Amaah Kula Wareegtay Radamel Falcao.

Faarax September 1, 2014 0
Man United Oo Amaah Kula Wareegtay Radamel Falcao.


 

Manchester United ayaa ku guuleysatay saxiixa xiddiga kooxda Manaco Radamel Falcao iyagoo kula wareegay heshiis hal sanno ah oo uu kula joogayo kooxda Louis van Gaal.

Heshiiska Man United kula wareegeyso Falcao oo amaah ah ayaa waxa uu ku kacayaa 12 milyan euros, waxaana ka harsan kaliya tijaabada caafimaadka iyo inuu heshiis shaqsi ah la gaaro kooxda.

Manchester United ayaana si lama filaan ah saxiixa heshiiskaan waxa ay kaga dulqaaday Manchester City oo dooneysay inay si joogta ah ula soo wareegto, halka Arsenal ay iyadana amaah ku dooneysay.

Falcao ayaa waxaa diyaarad qaas ah ay ka soo qaadi doontaa magaalada Nice ee dalka Faransiiska taasoo keeni doonta magaalada Manchester si uu u dhameystiro heshiiskaan.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »