NOLOSHA NUURKII UMMADDA “Qaybtii 1aad”

Faarax July 5, 2015 Comments Off on NOLOSHA NUURKII UMMADDA “Qaybtii 1aad”
NOLOSHA NUURKII UMMADDA “Qaybtii 1aad”


HORUDHAC.

Wuxuu ku dhashay qaryo aad u yar oo ay inta dagani is taqaan,
Waa tuulo cadceeddu mar usoo wada baxdo gabalkuna mar uwada dhaco.

Nasiibku kuma saacidin inuu aabihii goob joog ka ahaado dhalashadiisii oo waxaa la oofsaday isaga oo uurka hooyadii lix bil jir ku ah. Waa sida lagu helay khabarka loo badan yahaye.

Mana helin xanaanadii hooyonimo wax ka badan lix sano oo kaliya. Lixdaasoo waliba shan ka mid ah uu la joogay hooyadii aan dhaline nuujisay.

Halkaa ayuu la kowsaday qaraarka agoonimada kadibna waxaa uxigtay rafaadka rajanimada.

Awoowgii ayaa la wareegay koriimadiisii,wuxuu ahaa awoowe aabihii dhalay oo aad unaxariis badan,afkana kama uusan qaadi jirin wixii loo birbiriyay ee mucjiso ah wuxuuna oran jiray wiilkeygan sha’anigiisa wuu weynaan doonaa.

Maalintuu sideed jirsaday ayaa awoowgii tii alle utimi waxaana dardaaran kula wareegay adeerkii oo ahaa dan yar ciyaal badan korsada.

Danyarnimada adeerkii kama dadbin inuu dareen khaas ah ulahaado agoonkan da’da yar ee duriyadiisa ku soo biiray,wuxuuna noqday mid ka soo dhalaala oo xil iska saara koriimada wiilkan uu walaalkii dhalay ee ay agoonimada u wehliso rajanimada rafaadka badan.

Wuxuuna wixii intaa ka dambeeyay u ahaa mid garabkiisa taagan oo aan marna ogolaan in dhib taabto nabiga scw inta uu dhinaciisa dhulka ka sareeyo abuudhaalib.

Kaasi waa Muxammad Bin Abdullahi Bin Abdul mudalin. Rasuulkii ilaahay kii nabiyada u dambeeyay suubane nabigeenna sallalaahu calayhi wasalim.
Laqabkiisu waa mustafa,
Kuunyadiisuna waa (Abulqaasim) scw.

Aabihii waa cabdullahi binu cabdul mudalib.

Hooyadii waa Amino bintu wahab.

Waxaa nuujisay Xaliima Sacdiya

Wuxuu ku dhashay maka sanadkii maroodiga (caamul fiil).oo ku aadan sanadkii 570 sanadka miilaadiga.

Lasoco qaybaha xiga waa siiradii nabiga scw oo aan si kooban usoo diyaariyay oo aan maalin kasta idinla wadaagi doono inta ramadaanta lagu jiro haddii eebbe idmo.

W/D: Abdullahi Mohamed Hussein (Abdullahi Gelinsoon)






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.