Daawo:Caasho Geele “Anigu Gabi ahaanba Ma isticmaalo Facbook”.

Faarax September 1, 2015 Comments Off on Daawo:Caasho Geele “Anigu Gabi ahaanba Ma isticmaalo Facbook”.
Daawo:Caasho Geele “Anigu Gabi ahaanba Ma isticmaalo Facbook”.




Raadraac{Gaalkacyo}-Marwo Caasho Geele Diiriye oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo reer Puntland Xilal kala duwana ka soo qabtay Puntland iyo Somaliyaba ayaa Markii ugu Horaysay ka hadashay isticmaalka Facebook iyo Dad ay sheegtay inay Magacyadeeda Hawada ku maraan taageerayasheeda kala duwana Marin Habaabiyaan.

 

Caasho Geele ayaa sicad u sheegtay in aysan Gabi ahaanba isticmaalin Barta Bulshada ee Facebook Xustayna inay Marar badan Maqashay Dad isticmaala Magaceeda iyo sawirkeeda qaybtoodna ay aflagaadooyin soo dhigaan Facebook taasi oo la yaab ku noqotay.

 

Marwo Caasho ayaa Dadkaasi ku waanisay in ay ilaahay ka Cabsadaan aysana wax wanaagsan ahayn isticmaalka wax aan laguu idmin Gaar ahaan Qof magaciis iyo sawirkiis oo kale laguna soo Bandhigo Afkaar uusan aaminsanayn .

 

“Waxaan isticmaalaa qaybo kamid ah Baraha ay Bulshadu ku kulmaan lkin Marna masamaysan mana isticmaalin Facebook Maxaa yeelay waxaan aaminsahay inaanan waqti u helayn una baahanyahay waqti Badan iyo Up date Joogta ah “Sidaasi waxaa Tiri Murwo caasho Geele oo arinkaani Ka hadlaysay.

Hadaba Halkaan ka daawo Hadalka Caasho Geele .


Mukhtaar Isaaq Xusayn{Suudaani}
Raadraacnews.com
Gaalkacyo.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.