DAAWO)Mareykanka oo soo saaray Qori lagu xardhay cutub ka mid ah Kitaabka Baybalka

Faarax September 25, 2015 Comments Off on DAAWO)Mareykanka oo soo saaray Qori lagu xardhay cutub ka mid ah Kitaabka Baybalka
DAAWO)Mareykanka oo soo saaray Qori lagu xardhay cutub ka mid ah Kitaabka Baybalka




Nin hubka ka ganacsada oo soo saaray qori lagu xardhay cutub ka mid ah kitaabka Baaybalka,(Bible) si aanay Muslim u adeegsanin qorigaas! Sharikad hubka soo saarta, oo ku taala gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa soo saartay Qori cusub oo ah kuwa darandooriga u dhaca, kaasoo naaska ama meesha la qabsado looga xardhay cutub ka mid ah kitaabka gaalada (Bible).

Qorigan oo lagu magacaabo”AR-15?, ayey sharikadan sameysay waxay sheegay, in sababta loogu qoray qoriga Cutub ka mid ah Kitaabka Baaybalka ay tahay, si uuna u taabanin ama u isticmaalin qof muslim ah, waa sida ay aaminsanyihiin masuuliyiinta sharikadda. Warkan waxaa lagu faafiyay bogga jariiradda Independent oo ah jariirad British ah.

Afhayeen u hadlay sharikadan hubka sameysa, oo horayna u ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka, laguma magacaabo Thomas, ayaa saxaafadda u sheegay, in hubkan la geeyay suuqa sharikadda si loo iibiyo, iyada oo naaska ama meesha la qabsadana looga xardhay cutubkan soo socda:

” Barakada Rabbiga waa difaaceyga, Rabbigaasoo gacanteyda u leylinaya dagaal, faraheygana dagaal”(Blessed be the Lord my Rock, who trains my hands for war, my fingers for battle.)

Thomas waxuu hadalkiisa sii raaciyay: “arinkan waxuu Muslimiinta dhabta ah ka horjoogsanayaa in ay iibsadaan qorigana. Qofka doonaya in uu iibsado Hub haduu taabto argagixiso Muslim ah ay asiibeyso Jac xagga rabbi ka timid, qofkaas waxuu sharikada ka helayaa baadidi uu goob-goobayay, qiimahana lagu ceyrin maayo, waa 1359 oo keliya, asaga oo welibana la siinayo damaanad abad ah” ayuu Thomas hadalkiisa sii raaciyay”

Agaasimaha golaha fulinta xiriirka dowladda Mareykanka iyo Muslimiinta gobolka Florida Xassan Shible ayaa si adag u dhaleeceeyay arinkan, waxuuna isweydiiyay: ” Hubkan ma waxaa loo sameeyay argagixisada Kirishtaanka ah?! Mudooyinkii ugu dambeeyay Mareykanka waxaa ka dhacay 205 dambi oo aad u fool xun, dambiyadaas mid keliya ayuu qof Muslim ah ku luglahaa,204-ta kalana waxaa geystay dad Kirishtaan ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shible..

Dalalka reer galbeedka , khasatan dalka Mareykanka ayaa waxaa xilliyadan dambe ku soo badanaya islaamnaceybka. Dhanka kale sharikadaha iyo wargeysyada reer Galbeedka ayaa sanadihii ugu dambeeyay suuq wanaagsan ka helay, aadna uga macaashay arimahan xasaasiyadda ku kuciya caalamka Islaamka, gaar ahaan kooxaha mayalka adag oo iyaga markay ugu yar tahay xayeysiis bilaash ah u sameeya, sharikadahaas iyo wargeysyadaas, hadii kalana waxayba u badan tahay in khasaara ba’an ka soo gaaro danaha Muslimiinta.

Waxaa la sheegay in 80% hubka ay adeegsato ISIS uu ka yimaado dalka Mareykanka.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.