SAWIRO:Jamciyada wanaag farista iyo Xumaan reebida oo Tartar Qu’aan Akhris ah u qabatay Mxaabiista Xabsiga Wayn ee Garoowe.

Faarax January 6, 2016 Comments Off on SAWIRO:Jamciyada wanaag farista iyo Xumaan reebida oo Tartar Qu’aan Akhris ah u qabatay Mxaabiista Xabsiga Wayn ee Garoowe.
SAWIRO:Jamciyada wanaag farista iyo Xumaan reebida oo Tartar Qu’aan Akhris ah u qabatay Mxaabiista Xabsiga Wayn ee Garoowe.




Raadraac{Garoowe}-Jamciyada Wanaag farista iyo Xumaan reebidda oo ah Jamciyad ka shaqaysa Wacyi galinta Arimaha Bulshada gaar ahaan Ku baraarujinta arimaha Diinta iyo Taageeerida inta tababarta Daran waxay kulama Diini ah oo rajo celin ah u samaysay Maxaabiisat kala duwan ee ku jira Xabsiga wayn ee Magaalada Garoowe.

 

Jamciyada ayaa u qabatay maxaabiista xabsiga wayn Garoowe tartar Qur’aan akhris ah oo ay Maxaabiistu ku tartamayeen qur’aanka kariimka ah iyadoona abaalmarino kala duwan la siiyay shakhsiyaadkii ka galay Kaalimaha Hore Qur’aan Akhriskaani iyadoona ay siwayn u soo dhaweeyeen mxaabiistii ka qayb gashay tartankaani.

 

Maxaabiista ayaa inta ay ku jiraan Xabsiga wayn ee Garoowe waxay qaataan casharo Diini ah oo dib loogu toosinayo dhaqankooda ,iyo xirfado kala duwan oo ay dib ugu shaqaynstaan kadib marka ay dhammaystaan xukunadooda kala duwan iyadoona Jacciyada wanaagfarista iyo Xumaareebiddu Dadaal badna ku bixiso sidii maxaabiista dhaqan kooda loo toosin lahaa.

 

Marka laga yimaado ka warhaynta Maxaabiista kala duwan ee ku jirat xabsiyada Puntland jamciyadu waxay kulamo diini ah oo Bulshada loogu faa’iidaynayo ka samaynaysay bilihii ugu danbeeyay Deegaanada xeebaha ah iyo dhulalka fog fog ee ay ku badanyihiin reer Guuraagu .

SAWIRO:

IMG-20160106-WA0004 IMG-20160106-WA0005 IMG-20160106-WA0006 IMG-20160106-WA0007 IMG-20160106-WA0008 IMG-20160106-WA0009 IMG-20160106-WA0010

Raadraacnews.com
Garoowe.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.