Wenger oo daafacyadiisa uga digay qatarta Jermain Defoe

FIVE STAR October 29, 2016 Comments Off on Wenger oo daafacyadiisa uga digay qatarta Jermain Defoe
Wenger oo daafacyadiisa uga digay qatarta Jermain Defoe


London-(Raad Raac Sports)-Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka digay qatarta kooxdiisu ay kala kulmi karto weerar yahanka kooxda Sunderland ee Jermain Defoe.

Sunderland ayaa galabta (2:30 pm) soo dhawayn doonta kooxda Arsenal oo doonaysa inay kali ku noqoto hogaanka horyaalka ingiriiska.

Balse Wenger ayaa dareensiiyay daafacyadiisa inaysan isdhigan maadama ay wajahayaan mid kamid ah weerar yahanada ugu qatarsan Premier League.

Image result for jermain defoe and Wenger

“Khatarta kaliya ee aan wajihi karno kulanka Sunderland waa Jermain Defoe, waa laacib sifiican u ciyaara, waa laacib ku fiican kubadaha dhaadheer, isaga iyo Wahbi Khazri waxay ku fiicanyihiin kubadaha dhaadheer” ayuu yiri Wenger ka hor ciyaarta.

“Waa kuwo qatarbadan kugu abuuri kara xiliyada laadadka xorta ah iyo koornooyinka, inkasta oo ay ku jiraan xaalad liidata, hadana sifiican ayeey u xirtaan daafacooda”.

“Waxaan filayaa inay soo bandhigi doonaan kulan difaaceed aad u adag, waxaan rajaynayaa inaan garaacno oo aan ka qaadano 3-da dhibic”.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.