Aqriso: Guuleed oo Galmudug kusoo rogay xaalad deg-deg ah

FIVE STAR January 10, 2017 Comments Off on Aqriso: Guuleed oo Galmudug kusoo rogay xaalad deg-deg ah
Aqriso: Guuleed oo Galmudug kusoo rogay xaalad deg-deg ah


Cadaado-(Raad Raac News)-Madaxweynaha kalsoonida lagala laabtay ee C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xaalad deg-deg ah kusoo rogay degaannada uu ka arrimiyo maamul Goboleedkaasi Galmudug.

Wareegtadan oo uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Guuleed ayaa waxay ku taariiqeysan tahay 9-ka January 2017 oo ah Maalin ka hor markii ay ku dhowaaqeen xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug inay xilka ka qaadeen.

Xukunkan deg-degga ah ayaa socon doona muddo 90 Maalmood ah oo laga billaabayo Shalay oo ay Bishu ahayd Sagaal.

Qoraalka ayaa waxaa lagu faray Ciidamada amniga inay u hogaamsamaan amarka uu soo saaray Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada uu soo saaray Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

qoral-galmudug






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.