Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay dad dil foo xuma ah ka geystay Muqdisho.

Moos Bukeeni January 9, 2017 Comments Off on Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay dad dil foo xuma ah ka geystay Muqdisho.
Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay dad dil foo xuma ah ka geystay Muqdisho.


Dadka ku dhaqan Degmada  Xamar-jajab ee gobalka Banaadir ayaa saaka la soo toosay yaab iyo Amakaak ka dib markii ay arkeen nin rayid ahaa oo si fool xuma ah loogu dilay gudaha degmadaasi.

shacabka ku dhaqan degmada Xamar-jajab ayaa ciidamada dowlada ku war geliyay ninka rayidka ah ee halkaasi lagu dilay.

Dilkan ninkan rayidka ah ayaa waxa uu ka dhacay Geerash ku yaala Gudaha Degmada iyadoo Mindi looga dhuftay dhowr meelood oo jirkiisa ka mid ah .

Ninka rayidka ah ee lagu Dilay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shariif Cabdulle Guuleed.

Sidoo kale Ciidamada Dowlada ayaa wada Baaritaano ku aadan sidii loo soo qaban lahaa Dadkii ka dambeeyay dilka ruuxaasi.

Wararka ayaa sheegaya in markii dilkaasi uu dhacay ka dib ciidamada Dowlada ay gacanta ku soo dhigeen ilaa laba ruux oo looga shakisan yahay dilka ruuxaasi rayidka.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.