Culimada Soomaaliyeed oo xildhibaanada ka codsaday inay doortaan hoggaan wanaagsan

FIVE STAR January 10, 2017 Comments Off on Culimada Soomaaliyeed oo xildhibaanada ka codsaday inay doortaan hoggaan wanaagsan
Culimada Soomaaliyeed oo xildhibaanada ka codsaday inay doortaan hoggaan wanaagsan


Muqdisho-(Raad Raac News)-Majmaca Culimmada Soomaaliyeed ayaa fariin u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay doortaan hoggaan daacad ah.

Xubno ka tirsan Majmaca culimmada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa u sheegay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka inay dushooda saaran tahay masuuliyad adag.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si wadajir ah uga codsaday xildhibaanada cusub inay ummada Soomaaliyeed u dooraan hogaan cusub oo dalka wax ka badali kara afarta sano ee soo socota.

Waxay culimada sheegeen  in xildhibaanada looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen, ayna xasuusnaadaan masuuliyada loo dhiibtay.

Hadalka culimmada ayaa imaanaya iyadoo maalinta beri ah la filayo in xildhibaanada ay soo doortaan hogaanka baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan afar musharax.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.