(Dhageyso) Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Degmada Eyl.

Moos Bukeeni January 8, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Degmada Eyl.
(Dhageyso) Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Degmada Eyl.


Talyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral -Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa faah faahin dheer ka bixiyay ujeedka ay ciidamada bada Puntland dhawaan Dagaalka ugu qaadeen Afar doomood oo laga leeyahay Dalka Yaman iyo shaqaalaha Saarnaa.

Muhiimada ugu weyn ee Dagalka looga qaaday Doomahaan iyo shaqaalaha Ajaaniibta ah ee Saaran Taliyaha CIidanka Badda Puntland wuxuu sheegay in ay tahay ka dib markii Wasaradda Kallumeysiga Puntland ka codsatay.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Wasaradda Kalumeysiga Puntland ka codsatay Ciidanka badda Puntland in laga hortago Doomahaas iyo shaqaalaha Saaran Madaam ay damac san yihiin in ay Jariif sharci darro ah geystaan.

Ugu dambeyn Taliyaha wuxuu sheegay in laba ka Mid ah Afarta Doomood ay ku xiran yihiin Saldhig ku yaala Degmada Eyl ee gobalka Nugaal halka labada kalana uu sheegay in ay Ciidamaddu ay ka baxsadeen.

Maxabiis laga soo qabtay doomaha Dagaalka la galay ciidanka badda Puntland oo dhaawaca ahaa waxaa la keenay Magaalada Garowe halkan oo dhawaan Maxkmad lagu so taagi doono sida u sheegay.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Badda Puntland.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.