Dilal loo maleynayo in ay qorsheysan yihiin oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Moos Bukeeni January 11, 2017 Comments Off on Dilal loo maleynayo in ay qorsheysan yihiin oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Dilal loo maleynayo in ay qorsheysan yihiin oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Koox hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa lagu soo waramayaa in ay Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ay ku dilleen nin dhalinyaro ah halka mid kalena ay dhaawac u geysteen.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka Xarunta Dowlada Hoose ee Magaalada Boosaso iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hada sababta ka dambeysay ujeedka Dilkaasi ka dambeysay.

Raga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo goobta dilka uu ka dhacayay ay ka ag dhawaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Puntland ee halkaasi ku sugan.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa goobta gaarsay iyagoo bilaabay howlgalo baaritaana ah oo ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ragii ka dambeeyay Dilka Marxuumkaasi.

Bosaso oo ay ku sugan Yihiin Madaxda Sare ee Maamulka Puntland ayaa maalmahan ka nasatay Dilalka qorsheyn ee ka dhacayay Magaalada Boosaso inkastoo dilkan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee sanadkan ka dhaca Bosaso.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.