Jawaari oo ku Guuleystay Kursiga Baarlamaanka Somalia

Moos Bukeeni January 11, 2017 Comments Off on Jawaari oo ku Guuleystay Kursiga Baarlamaanka Somalia
Jawaari oo ku Guuleystay Kursiga Baarlamaanka Somalia

Wararka ka imaanaya Magalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia ayaa sheegaya in Tartankii Doorashada Gudoonka Golaha shacabka Somalia uu xiligan ku guuleystay Maxamed Shiekh Osmaan Jawaari.

Tartanka Kursiga Golaha shacabka Somalia waxa ku loolamayay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay in ka badan 139 cod, halka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 96, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo isna helay labo cod, iyadoo ay qasaartay labo cod

Jawaari ayaa Mark kale Noqonaya Gudoomiyaha Golaha shacabka Xukuumada Somalia iyadoo uu hogaaminayo baarlamaanka 10aad ee Dalka Somalia..






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.