Kenya oo sii deysay Nin lagu tuhunsanaa Al-Shabaab-nimo

FIVE STAR January 9, 2017 Comments Off on Kenya oo sii deysay Nin lagu tuhunsanaa Al-Shabaab-nimo
Kenya oo sii deysay Nin lagu tuhunsanaa Al-Shabaab-nimo




Nairobi-(Raad Raac News)-Maxkamadda Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa damiin iyo Lacag dhan 500,000 oo Shilnka Kenya ah kusii deysay Nin ku eedeysnaa inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab.

Rashid Rashid Mkumba, oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Tansaaniya ayaa laga qabtay xadka kala qaybiya Waddamada Soomaaliya iyo Kenya 28-kii December 2016-kii.

Booliska Kenya ayaa dhowr goor Gacanta ku dhigay xubno isugu jira Rag iyo Dumar oo kasoo tallaabaya xadka ay wadaagaan Labada Waddan, kuwaas oo doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab.

Raad Raac News






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.