Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug oo kalsoonidii dib loogala laabtay.

Moos Bukeeni January 10, 2017 Comments Off on Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug oo kalsoonidii dib loogala laabtay.
Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug oo kalsoonidii dib loogala laabtay.


Xildhibaanada  Baarlamaanka Maamulka Gal-Mudug ayaa lagu soo waramayaa in ay kalsoonidii dib ugala laabteen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Gulleed.

Arinta ugu weyn ee xildhibaanada ay u cuskadeen kalsoonida kala laabasshada Madaxweynaha Maamulka Gal Mudug ayaa ku soo beegantay ka dib markii ay mooshin ka keenaan malin hore.

Tirade xildhibaanada kalsoonida ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in ay tiradoodu gaareyso in ka badan 50 xildhibaan oo Baarlamanka Gal-mudug ka tirsannaa.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdirkariin Guuleed uu xildhibaanad aka codsaday in ay codkooda kalsooni kala laabashada dib u dhigaan iyadoo ay xildhibanada ka biyo diideen.

Ma jiro wax war ah oo warbaahinta ka soo gaaray xafiiska Madaxweynaha Maamulkasi eek u aadan go’aanka uu ka qaadan karo codadkii kalsoonida ay kala laabteen xildhibaanada maamulkaasi.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.